Sunday, November 24, 2024

M/w Xasan oo xaqiijiyay in Soomaaliya ay garab taagantahay Falastiin

Riyaad (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka Falastiin, isagoo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, lana sii daayo dhammaan maxaabiista iyo la haystayaasha, si loo badbaadiyo nolosha kumanaanka qof, loona joojiyo dhibaatada.

” Dowladdeynnu waxay garab taagan tahay shacabka Falastiin waxayna ku baaqaysaa xabbad-joojin degdeg ah iyada oo la sii daynayo dhammaan la haystayaasha iyo maxaabiista”.

Hadalkaan ayuu ku sheegay khudbad uu ka jeediyay shirka aan caadiga ahayn ee ay dowladaha Islaamka iyo Carabtu ku yeesheen maanta magaalada Riyaad ee Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka dhacaya Gaza waxaa lagama maarmaan ah in si degdeg ah loo joojiyo lana helo ballan-qaad caalami ah oo lagu ilaalinayo nolosha dadka marinka Gaza. Dagaalka sii fidaya ee Gaza iyo Lubnaan ma ahan oo kaliya masiibo soo wajahday dadka ay saameysay, balse waa mid aad u adag oo qalqalgelinaya xasiloonida gobolka iyo caalamka”

Xasan ayaa ugu baaqay dowladaha caalamka inay u istaagaan sidii loo badbaadin lahaa dadka Falastiin loona gaarsiin lahaa gargaarka bini’aadantinimo iyo agabka lagama maarmaanka u ah dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

Waxa uu intaa ku daray, in qaddiyadda Gaza ay ka gudubtay arrin lagu kala duwanaa karo siyaasad iyo diblomaasiyad ahaan, waxayna taagantahay arrin la xiriirta xuquuqul insaanka, sharafta aadanaha iyo caddaalad. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhibaatadaan looga bixi karo in shacabka Falastiin ay helaan dowlad la aqoonsanyahay iyada oo laga amba qaadayo xuddduuddii 1967kii.

“Xal waara oo nabadeed waxaa lagu gaari karaa oo kaliya in la dhiso Dowlad Falastiin ah iyada oo laga amba qaadayo xudduudkii 1967, caasimaddeeduna ay tahay Qudusta Bari”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here