Saturday, September 7, 2024

M/weyne Xasan iyo Xukuumaddu Xildhibaan Fawsiya cimaamad ha saareen

Muqdisho (Dawan)- Madaxweyne Xasan iyo Xukuumaddu Xildhibaan Fawsiya cimaamad ha saareen. Waxaa qoray Cabdirashiid Xaashi, Agaasimihii hore e Machadka Heritage 

Waxaan ka mid ahaa dadkii taageeray tartanka Xildhibaan Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan ay u tartamsysey madaxnimada Midowga Afrika; Waxaan dhegeystey shirkeedii jaraa’id ee ay u bixisay garnaqsi;

Si fog oo edeb leh, daacad-hadal-na uu ka muuqdey ayay Xildhibaanaddu u hadashay; Xuska ay xustay qoyska halgamayaasha ah ee ay ka soo jeeddo, waxa aan hubaa in uu dad badan qalbiga ka taabtay sida uu anigaba qalbigayga iiga taabtay;

Waa tan qiimayntayda xaaladda iyo meesha ay tahay in laga aado:

1) Ra’iisul Wasaare ku xigeen hore, wasiir arrima-dibadeed hore iyo xildhibaan Fawsiya kursigaas waa ay geydey, haddii ay hesho ama ay heli lahaydna wax weyn oo Soomaaliya iyo Soomaali u soo kordhay ayuu noqon lahaa ama noqon doonaa;

2) Sida ay xildhibaanaddu sharaxday dowladda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, baarlamaanka, xukuumadda iyo dadka Soomaaliyeed si mug iyo miisan leh ayay u garab is-taageen;

3) Dowladda Jabuuti in ay kursiga doonato xumaan ay Fawsiya ku xumaynayso maaha ee danta dalkooda uun bay-daba socdeen oo waxay u badan tahay in ay u soo baxday in ay jirto rajo guulaysi ah uu leeyahay Wasiirkooda Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yuusuf oo 20 sano shaqada hayey, xiriira weyna la leh dhigyadiisa Africa ama ha noqdaan waddamada Fransiiska ku hadla ama kuwa Carabiga ama kuwa ingiriiska ku hadla — madaxdaas oo codaynaya haddana ah dhigyadiisa (his peers);

4) Maaddaama uu dalka Jabuuti abaallo badan noo galay Soomaaliya ahaan, oo ilaa sanadkii 2000 ay ahaayeen walaal naga yar oo haddana na xambaarsan, in ay codsadaan in aan u tanasulno ma aha wax lala yaabo, gaar ahaan markii ay miiska soo saareen nin weyn oo waaradda miisaan ku leh oo kursiga ka qaadan kara tartamayaal uu ka mid yahay gooni-goostaha Odinga;

5) Waxaa dhici karta ama ay u badan tahay in Madaxweyne Xasan iyo Madaxda Gobolada ee xildhibaan Fawsiya ka codsaday in ay tanaasusho in aysan Jabuuti iyo Soomaaliya laba dal u kala arag oo ay aaminsan yihiin maahmaahdii ahayd: Gurbaan Garabkaaga ha kuugu jiro ama gacalkaa hakuu hayo — oo ay ka fakareen uun: yaa kursiga soo qaadi kara, ayna ku qanceen Maxamuud baa soo qaadan kara;

7) Madaxweynuhu asagaa talada hoggaamineed haya, ayna tahay rog-rogid kaddib in uu usha meel ku dhufto oo talada go’aamiyo; wax laga qaban karo oo aan ahayn in lagu ixtiraamo awooddiisa dastuuriga ah ma jidho;

7) Qoodhay iyo xeraday Marwo Fawsiya waa laga jajabiyey oo han weyn oo ay 8 sano daba socotay baa daqiiqaddii u danbeysey lagu yiri ka har — gabdhaha Soomaaliyeedna waa ay ku daaleen tun-jileecsiga — laakiin, adduunku maanta maaha oo waxaa dhici karta berri Soomaaliya iyo Jabuuti oo Fawsiya tunka ku wata in ay u sharaxaan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey;

Gunaanadkii; adduunku horray ayuu u badan yahay ee Madaxweyne Xasan iyo Xukuumaddu Xildhibaan Fawsiya cimaamad ha saareen

Fawsiya-na as a diplomat waa ay og tahay in hawlaha qaranka dispassionate, hard calculation lagu galo, haddii dalkii aad ka soo jeedday uu meel kale aadayna in aysan jirin waddan kale oo cod kugu khasaarinaya — illeyn qof lama abaal gashadee dal baa la abaal gashadaaye.

Sidaas darteed, xildhibaanaddu berri diiradda ha saarto — illeyn adduunku horay ayuu u badan yahaye;

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here