Thursday, September 19, 2024

Ma baco qarxa oo dheemish ah mise Hoobiyayaal ?

Muqdisho (Dawan)- Xalay waxaa magaalada Muqdisho laga maqlay dhawaqyo culus, gaar ahaan degmooyinka Yaaqshiid, Helwaa, Xamar Jab-jab iyo Xamarwayen, iyadoo ay kasoo baxayaan warar kala duwan sida dhabta ah ee wax u dahceen.

Boliiska Soomaaliya waxa uu inkiray in hoobiyaal lagu garaacay meel u dhaw madaxtooyada ama goob kale oo ka tirsan caasimadda, wuxuuna ku tilmaamay qaraxda la maqlay kuwa dheemish ah.

“Waxaan Shacabka Caasimadda ku nool ogaysiinaynaa in dhawaqa ay maqleen ay tahay uun baco ladhigay dhawr goobood oo kala duwan” sidaas waxaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Taliska qaybta guud ee Boliiska gobolka Banaadir.

Inkastya uu Boliisku ku tilmaamay waxa dhacay dheemish hadana waxa uu qiray inay jirto waxyeello soo gaaraty dhowr guri ” wax khasaara nafeed ah majiraan marka laga reebo wax yeelo gaartay guryo jiingada ah oo bacaha la ag dhigay”

Dadka deggaan goobaha ay wax ka dhaceen xalay ayaa sheegay riwaayd ka duwan tan Boliiska, iyada oo lasoo wariyay inay jiraan dhaawacyo ka dhashay hoobiyayaalka kusoo dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Dhacdadan ayaa imanaysa iyadoo toddobaadkii hore hoobiyayaal lagu garaacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir, gaar ahaan meel u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana dhaawacyo kasoo gaareen ugu yaraan laba qof oo rayid ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here