Thursday, September 19, 2024

Ma dhici doonto in bad Soomaali leedahay la boobo

Muqdisho (Dawan) – Waxaa qoray, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xamsa Aadan Xaadow

Aadan Faarax Ibraahim ( ra’iisul wasaare kuxigeenka Itoobiya) waxa fajaca iyo layaabka ku noqday maalmahan, waxa weeye in uu maanta arkay SOOMAALI wax diidi karta, gaar ahaana maya dhihi karta damaca Abiy Axmed.

Malaha wuxuu is lahaa Soomaliya waxaa lagu hubsaday god dheer, baddooda iyo dhulkooda oo la qaadanayo ma ka hadli doonaan.

Waaqaca dhabta ah ee uu Aadan arkana waa in Itoobiya loo hogaansamo oo dhulkii ay horay u heysatay baddana loogu daro. Waxaan maqli jiray “mudul gubtay mudul dhisan kama naxo” oo dhibta uu isagu ku jiro ayuu malaha la doonayaa in Soomaali badan ay lasoo galaan ama hadii si kale loo dhigo maadaama uu isagu yahay Itoobiyaan wuxuu moodaa in Soomaali oo dhan ay noqoto Itoobiyaan, malaha wuxuu kala garan waayay xuduudaha iyo dalalka geeska!

Itoobiya waxaa xuduud la leh waddama bad leh sida; Kenya, Soomaaliya, Jabuuti, Eratareeya iyo Suudaan. Haddii Itoobiya ay dekedo isticmaasha dooneyso waxa ay hadderba isticmaashaa Dekedaha Jabuuti iyo Keenya, waxaase cad iney dhul-boob iyo bad-boob tahay, una aragto dalka kaliya ee ay boobi kartaa inuu yahay Soomaaliya, iyada oo ka fiirineysa halka ay Soomaaliya maanta taagantahay oo ay u aragto in sanado ka dib aysan suurtoobeynin in la boobo.

Aadan iyo ragga la midka ah waxaa la gudboon iney ka fekeraan aayahooda iyo shucuubta itoobiya ee ay matalaan. Shucuubta itoobiya oo ay hormuudka ka yihiin duubabka dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka waxaa la haboon maanta iney ka shaqeeyaan nabadd waarta iyo in ay si furan uga hor-yimaadaan damca guracan ee aan miro dhaleyn ee Abiy Axmad.

Madaxda Itoobiya ee maanta waxaa la gudboon dadaalka ay ku bixinayaan iney bad iyo dhul SOOMAALI leedahay ku boobaan, waxaa wanaagsan iney u leexiyaan dib u heshiisiinta shucuubta Itoobiya, daryeelka shacabka Itoobiya ee iyaga oo qaxooti ah, raadinaya nolol jooga kuna dayacan daafaha dalka Soomaaliya, qaarna ay har iyo habeen maraan badaha iyaga oo tahriib ah, in ay hagaajiyaan nabadgalyada Itoobiya dhaxdeeda ah iyo horumarinta shacabka wanaagsan ee itoobiyaanka ah ee mudan sida ay u noolyihiin si wanaagsan in ay u noolaadaan.

Aadan waxaan xusuusineynaa sida Soomaali qaxooti ah ay ugu nool yihiin Itoobiya si la mid ah oo weliba ka ixtiraam iyo qadarin badan ayaa shacab badan oo itoobiyaan ah ay ugu nool yihiin Soomaaliya, sidoo kalana ay marin u tahay laguna marti geliyaa goobkasta iyo guri kasta.

Nabadgalyada gobalka waxey dan u tahay dhammanteen, Soomaaliya waxey diyaar u tahay deris-wanaag, is ixtiraam, sinaan iyo nabad kuwada noolaansho, waxaase horay u dhicin, maantana dhaceynin, beritana dhici doonin in dhul iyo bad Soomaali leedahay la boobo. Damacaasna waa riya maalmeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here