Thursday, September 19, 2024

Maamulka Garissa oo la faray inuu la socdo mashaariicda horumarineed

Garissa (Dawan)- Saraakiisha heer qaran ee Gaarisa ayaa lagu amray inay si dhow ula socdaan dhammaan mashaariicda ay dowladdu ka waddo deegaannada, iyagoo si joogto ah uga warbixinaya halka ay wax u marayaan.

Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari, John Otieno, ayaa ku amray saraakiisha, oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha amniga ee Gaarisa, ku xigeennadiisa, kaaliyeyaasha guddoomiyaha, guddoomiye xafadeedyada, iyo ku xigeennadooda, inay hubiyaan inaysan istaagin mashaariicda ay dowladda qarashka ku bixisay si loo soo gabagabeeyo.

Arrinkaan ayaa ku soo aadaya xilli ay inta badan shacabka Kenyaanka ah dalbanayaan in ay ogaadaan halka ay ku baxayaan lacagaha canshuurta ee ay bixiyaan, kuwaasoo lagu maalgelinayo mashaariicda kala duwan ee dalka.

Saraakiisha dowladda ayaa sidoo kale loogu baaqay inay bulshada ku baraarujiyaan ajendayaasha dowladda, gaar ahaan Sanduuqa Caymiska Caafimaadka Bulshada (SHIF) oo isdiiwaangelintiisa la qorsheynayo in la bilaabo 1-da October.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale la faray inay bulshada si cad ugu gudbiyaan muhiimadda ay leeyihiin ajendayaasha qaranka, sida daryeelka caafimaadka aasaasiga ah iyo dhaqaalaha lagu bixinaayo cudurrada halista ah, iyaga oo ka hadlaya faa’iidooyinka ay u leeyihiin bulshada.

Guddoomiye xafadeedyada ayaa sidoo kale la amaray inay qabtaan shirar nabadeed oo beelaha la isugu keenayo, gaar ahaan xilligan oo uu soo socdo jiilaalka, iyada oo laga cabsi qabo in ay dhacaan colaado ka dhasha kheyraadka dabiiciga ah sida daaqa iyo biyaha.

Guddoomiyaha gobolka ayaa intaas ku daray in ammaan-darradii ka jirtay magaalada labadii toddobaad ee u dambeeyay ay yaraatay kadib markii la xoojiyay tallaabooyinka amniga ee ay qaadeen guddiyada amniga ee heer qaran iyo heer gobol.

Hadalka guddoomiyaha gobolka aya akusoo aadaya iyadoo ismaamullada  Waqooyi Bari ay baryahaan ka dhacayeen falalka afduubka iyo amni darrada iyadoo xilligii hore ee dowladdii Uhuru Kenyatta ay jireen dhibaatooyin la mid ah, laakiin dowladda Ruto ayaa ballanqaaday in aysan dhici doonin afduubka iyo dilalka sharci daradda ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here