Sunday, September 8, 2024

Maamulka Wajeer oo horumar ka sameeyay adeegyada caafimaadka

Wajeer (Dawan)- Maamulka Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa qaaday tillaabo muhiim u ah adeegyada caafimaadka kuwaas oo looga jawaabayo dhibaatadii ka haysatay dadwaynaha inay helaan goobo caafimaad oo ay joogaan dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo gudan kara howlahooda.

Munaasabad ka dhacday xarunta Ismaamulka Wajeer oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin iyo marti sharaf kale ayaa looga dhawaaqay howlgelinta in ka badan 200 oo isagu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad kuwaas oo ka shaqa billaabi doona xarumaha caafimaadka ee Ismaamulka.

Tillabadaan ah mid ka mid ah ballamihii uu qaaday Guddoomiyaha Ismaamulka Wajeer, Axmed Cabdullaahi Jiir xilligii uu ku jiray ololaha doorashada, wuxuuna munaasabadda ka sheegay inay ku guuleysteen howlgelinta ilaa afar isbitaal oo awood u leh inay sameeyaan qalliimada iyada oo markii hore ay jirtay kaliya halmeel oo lagu sameeyo qalliimada kala duwan.

Bulshada ku nool Wajeer ayaa ka caban jirtay dhakhaatiir yarida ka jirta deegaanka, waxeyna dhowr jeer dalbadeen in la ballaariyo lana hormariyo waaxda caafimaad si dadwaynuhu u helaan adeeg caafimaad oo dhamaystiran.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ballan qaaday inuu sii wadi doono ballaarinta iyo horumarinta adeegyada caafimaad si Ismaamulku u gaaro isku filnaansho dhanka isbitaalladda iyo shaqaalaha caafimaad ee ka howlgala.

Dhanka kale, waxa uu digniin adag u diray shaqaalaha ka gaabiya howlihii loo igmaday iyaga oo kasoo daahaya ama ka maqnaanaya goobta shaqada, wuxuuna ballan qaaday in lala xisaabtami doono ciddii lagu helo arrimo nuucaas ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here