Monday, September 16, 2024

Macallimiinta Kenya oo shaqa joojin sameeyay

Nairobi (Dawan)-  Inta badan goobaha waxbrashadu wey haawinayaan  , Baraayaashuna waxay dhigeen qalabkodi shaqada  , waxayna ku dhawaaqayaan ereyo ay ku baadigobayaan  xaquuqdooda .

Barayaasha  wax ka dhigaa dugsiyadda sare ee dalka kenya , waxay maciiin bideen  inay joojiyeen howshii ay dalka u hayeen ,  ujeeedka shaqa joojintooda ayaan  u daaran  si ay xaqooda uga helaaan  gudiga adeega macalimiinta  kenya .

Barayaasha ayaa  sanado badan waayay balanqaadyo dhowr ah kuwaas oo kaga imaanayay  guddiga adeegaa macaalimiinta dalka.

Balanqaadayada  waxaa ka mid ahaa  in gudiga macalimiinta  dalka  ay sanad walbo barayaasha  u samern doonaan  mushar kordhin .

 Yusuuf C/laahi Maxamed, Xoghaya Guud ee Ururka Macalimiinta Kenya waxa uu tilmaamay in Macallimiintu ay waayeen filashadoodi ahayd in bilaha August iyo September loo kordhiyo mushaarkooda taas oo keentay inay sameeyaan shaqo joojin ay ku doonayaan xuquuqdooda.

Gadoodkaan ay sameeynayan macalimiinta  dalka Kenya , waxa uu  saaameen  ku yeelanaya bulshada   kuwaaas oo  qudhooda taageersan   dallacsiinta  iyo dhowridda xaquuqda barayaaasha Kenya .

Xasan Maxamed Cumar, waxa uu muujiyay sida ay bulshadu u garab taagantahay Barayaasha si ay u helaan xaqa ka maqan, balse waxa uu ugu baaqay inaysan samaynin aar gudasho saamayn ku leh bulshada.

Shaqo joojinta macaalimiinta dalka ayaa laga baaqaya in ay sameeyn ku yeelato natiijooyinka imtixaanaadka qaran ee shaahadiga ee ardayda ka soo jeedda gobolka Waqooyi Bari

Aadan Qaasim oo Maamule ka ah mid ka mid ah dusgiyada sare ee Wajir, waxa uu farta ku fiiqay saamaynta ay shaqa joojinta macallimiintu ku yeelan doonto ardayda gobolka oo markii hore la daallaa dhacayay dhibaatooyin ay ka mid tahay dib u dhac ay la kulmeen bilowgi sanad dugsiyeedka waxbrashada.

Macaalimiinta dalka Kenya ayaa la sheega inay ku shaqeeyan xaalad ka liidata marka la barbardhigo shaqaalaha guud ee hay’adaha dowladda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here