Thursday, September 19, 2024

Macallimiinta Wajeer oo ka cabanaya mushaar yari

Wajeer (Dawan)- Macalimiinta dhamaysatay kuliyadda tababarka macallinimo ee ismaamulka Wajeer ayaa ka cabanaya shaqo la’aan baahsan oo haystay 10-kii sano ee la soo dhaafay, waxayna codsi u direen dowladda ismaamulka si ay u shaqaalaysiiso.

Macallimiintan bartay xirfadda macallinimada aasaasiga ah ee ECDE ayaa ah kuwo haysta shahaadada diploma, waxayna bannaanbax ka hor dhigeen xarunta ismaamulka Wajeer si codsigooda uu u gaaro mas’uuliyiinta.

Macallimiinta ECDE ayaa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in la shaqaalaysiiyo macallimiin cusub oo wax ka dhiga fasallada hoose, maadaama aan la shaqaalaysiin muddo ku dhow 10 sano.

Shaqaalaysiintii ugu dambaysay ee macallimiinta waxbarashada aasaasiga ah waxay ahayd xilligii ugu horreysay ee maamul daadejinta sanadkii 2014-kii, taas oo ay ku tilmaameen caddaalad darro.

Wakiillada Golaha Baarlamaanka Wajeer ayay ku eedeeyeen inaysan ahmiyad siinin waxbarashada oo ka muhiimsan dhamaan arrimaha kale ee ay ku mashquulsanyihiin.

Waxa ay sheegeen inay korotay tirada carruurta ee deegaanada kala duwan taasina ay abuureyso baahida loo qabo macallimiin wax ka dhiga dugsiyada waxbarashada.

Waxay sheegeen sidoo kale in macallimiintu ku shaqanayeen muddo ku dhow 10 sano mushaar aad u yar oo ah 10,000 oo shilinka dalka Kenya ah oo u dhiganta qiyaastii 67 doolar, taas oo aan u qalmin shaqada ay bulshada u hayaan iyo noloshooda maalinlaha ah, maadaama sicir barar baahsan uu dalka ka jiro.

Macallimiinta ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in la aqoonsado, laguna tixgeliyo howsha wanaagsan ee ay bulshada u hayaan, lana shaqaalaysiiyo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here