Friday, September 20, 2024

Macron oo kala diray baarlamaanka kuna dhawaaqay doorasho degdeg ah

Paris (Dawan)- Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa kala diray Baarlamaanka dalkiisa, wuxuuna ku dhawaaqay doorasho degdeg ah oo laga soo hormariyay xilligeeda kadib markii Xisbigiisu kala kulmay dharbaaxo kulul doorashooyiinka Baarlamaanka Yurub.

Xisbiga midigta fog ee dalka Faransiiska ayaa guul wayn ka gaaray doorashooyinka kadib markii uu helay % 31.5 codadka doorashada Baarlamaanka Yurub, halka Xisbiga xukuma dalkaas ee Madaxweyne Macron uu kaalinta labaad ku galay natiijo hoose oo gaareysa % 15.2.

Macron oo la hadlay dadweynaha ayaa sheegay in Xisbiyada difaaca qiyamka Yurub in aysan ku qanacsanayn natiijada wayn ee uu helay Xisbiga midigta fog, wuxuuna ku dhawaaqay doorashooyin Baarlamaan oo wareegga koowaad la qaban doono 30-ka June, halka wareegga labaadna la qaban doono 7-da July.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa intaa ku daray, “Kor u kaca xisbiga midigta fog iyo kuwa damiir-laawayaasha ah waxay khatar ku yihiin umaddeena iyo sidoo kale Yurub.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri; “Waxa aan go’aansaday in aan marlabaad idin siiyo fursad aad ku doorataan Baarlamaan, sidaas darteed waxaan kala diray Golaha Baarlamaanka ee hadda jira”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here