Thursday, September 19, 2024

Madaxweynaha Comoros oo ka badbaaday isku day dil

Moroni (Dawan)- Madaxtooyada Comoros ayaa shaacisay in madaxweyne Ghazali Cismaani soo gaaray dhaawac fudud oo loo adeegsaday weerar mindi ah xilli uu ka qayb galayay aaska hogaamiye diimeed maalintii Jimcaha ee shalay.

Wakaalladda Wararka AP oo soo xiganeysa Xafiiska Madaxweyne ayaa sheegtay in dhaawaciisa uusan ahayn mid culus, isla markaana uu dib ugu laabtay gurigiisa, iyada oo ciidamada ammaanku ay gacanta ku dhigeen ninkii weerarka geystay.

Waxaa sidoo kale dhaawac soo gaaray mid ka mid ah dadkii raydika ee ku sugnaa goobta kaas oo isku dayay inuu badbaadiyo madaxweynaha.

Ninka weerarka geystay oo hore u ahaa Boolis da’ ahaan lagu qiyaasay labaatan jir, ayaa xabsiga la dhigay, lamana oga ilaa hadda ujeedkiisa.

Bishii Agoosto ee la soo dhaafay, Cismaani waxa uu awood cusub siiyay wiilkiisa, Nuur al-Fatxi, taas oo u ogolaatay inuu soo farageliyo dhammaan go’aan qaadashada hay’adaha dowladda, waxeyna mucaaradku u arkaan arrintaan tilalabo uu ku doonayo madaxweynuhu inuu wiilkiisa dhaxalsiiyo xilka marka la gaaro 2029-ka.

Waxaa xusid mudan in Cismaani uu wax kasoo bartay Akadeemiyada Royal Moroccan ee Marrakesh iyo Akademiyada Militariga ee Faransiiska, wuxuuna soo noqday abaanduulaha ciidamada dalka sannadkii 1998-dii.

Waxa uu markii ugu horeysay xukunka yimidi sanadkii 1999-kii isagoo afgambi ku qabsaday, kadibna wuxuu ku guuleystay 4 doorasho tan iyo 2002-dii

Jasiiradda Comoros waxay ku taal badwaynta Hindiya, waana dal muslim ah oo ka tirsan qaaradda Africa iyo ururka Jaamcadda Carbta. Dadkeeda waxaa lagu qiyaasa ilaa 900,000 oo qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here