Thursday, September 19, 2024

Madaxweynaha Kenya oo ka laabtay sharciga canshuur kordhinta

Nairobi (Dawan)- Ka dib mudaaharaadyo isu beddelay rabshado dhiig badana ku daatay oo ay ku nafwaayeen 22 qof, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqul insaanka ee Kenya, ayuu madaxweyne William Ruto, wuxuu maanta ku dhawaaqay, inuu ka laabtay sharciya maaliyadda ee dhaliyay buuqa badan.

Ruto oo khudbad u jeediyay shacabka ayaa yiri; ” Ka dib markii aan si fiican u dhegaystay dadka reer Kenya, oo si cad u yiri ma rabno Hindise Sharciyeedka Maaliyadda 2024, ma saxiixi doono, sidaas darteed waa laga noqon doonaa.”

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii dibbad baxayaashu wacad ku mareen in ay sii wadi doonaan mudaaharaadyada ay ku diidanyihiin canshuur kordhinta.

Boliiska dalka Kenya ayaa rasaas u adeegsaday shalay bannaan baxayaasha kuwaas oo gudaha u galay xarunta Baarlamaanka, waxaana dhintay dhowr qof, halka ay dhaawacmeen toboneeyo kale.

Mowjadda carada dhanka Baraha Bulshada ee ka dhalatay canshuur kordhinta ayaa cirka isku shareertay, waxaana xoogeystay mudaaharaadyada oo soo socday maalmihii lasoo dhaafay, waana qalalaasihii ugu xumaa intii uu talada hayay madaxweyne William Ruto oo xilka qabtay sannadkii 2022.

Mudaaharaadyada oo ay hormuud ka ahaayeen dhallinyaro ayaa si nabad ah ku billowday, waxaana waddooyinka Nairobi iyo magaalooyinka kale isagu soo baxay kumanaan dibadbaxayaal ah.

Sida laga soo xigtay hay’adaha aan dowliga ahayn, oo ay ku jirto Amnesty International, Boliiska ayaa adeegsaday rasaas nool iyagoo isku dayaya inay xakameeyaan dadka isku soo baxay ee doonayay in ay xoog ku galaaan xarunta Baarlamaanka. Dhismayaal ganacsi ayaa la bililiqaystay, qaar kalena waa la gubay.


Rabshadaha iyo muuqaalada qalalaasaha ee Nairobi ayaa sababay in Mareykanka iyo in ka badan 12 wadan oo Yurub ah in ay ka muujiyaan walaac, iyaga oo ugu baaqay in dowladdu wax ka qabato dejinta xaaladda.

Ruto ayaa doorashadii lasoo dhaafay ku galay olole soo jiitya dadka nolosha hoose ee dalkaas balse guushiisii kadib waxa uu la kulmay cadaadis badan oo uga imaanayay Hay’adaha Maaliyadda Adduunka sida IMF, wuxuuna ku qasbanaaday inuu sameeyo canshuur kordhin.

Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ayaa shalay meel mariyay sharciga maaliyadda ee dhaliyay doodda badan kaas oo dhigaya in canshuurta lagu kordhiyo gaadiidka iyo rootiga.

195 ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka ayaa u codeeyay isbedelka lagu sameeyay hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan halka 106 ay ka soo horjeesteen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya Moses Wetangula ayaa sheegay in saddex cod ay xumaatay.

Khubarada dhaqaalaha ayaa walaac xoogan ka muujiyay sharciga cusub ee canshuurta, waxeyna sheegeen inuu sababi doono sare u kac ku yimaada nolosha iyo in bulshadu awoodi wayso in ay wax iibsadaan.

Sannadkii hore, dowladda Kenya waxay casnhuur ku soo rogtay guryaha iyo adeegga Nidaamka Caafimaadka Qaranka, waxaana ka dhashay sidaan oo kale mudaaharaadyo xoogan oo looga soo horjeeday go’aanka xukuumadda.

Kooxaha ka soo horjeeda canshuur kordhinta xukuumadda, waxaa ka mid ah bangiyada, warshadaha iyo ururka sharci-yaqaanada Kenya, kuwaas oo sheegay in canashuurta cuusb ay curyaamin doonto dhaqaalaha dalka.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyada oo kiiska canshuuraadka sannadkii hore ee gurayaha uu weli horyaalo maxkamadda dalka Kenya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here