Ilo-wareedyo sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa xaqiijiyey in wadahadallo rasmi ah ay u bilowdeen Somaliland iyo Mareykanka, kuwaas oo lagu gorfeeyay heshiis ay Somaliland ku heli karto aqoonsi, halka Mareykankuna uu saldhig milatari ka dhisan karo Berbera, sida uu qoray wargeyska caalamiga ah ee Financial Times.
Sida laga soo xigtay sarkaal sare oo Mareykanka ka tirsan, labada dhinac waxay si toos ah u bilaabeen wadaxaajood rasmi ah oo ku saabsan is-dhaafsiga aqoonsiga iyo saldhigga milatari. Heshiiskaan haddii la gaaro, wuxuu Mareykanka siinayaa fursad uu saldhig milatari uga sameysto meel u dhow dekedda Berbera, taas oo muhiimad istiraatiiji ah u leh gobolka Badda Cas.
Heshiiskan ayaa la sheegay inuu Somaliland u ogolaan karo inay hesho aqoonsi rasmi ah oo Mareykanku siiyo, halka Mareykankana loo fasaxi karo dhismaha saldhig ciidan oo Berbera ku yaalla. Saldhiggan wuxuu xoojin karaa doorka istiraatiijiga ah ee Mareykanka ee Geeska Afrika iyo Badda Cas, xilli uu gobolkaasi noqday mid ay danaynayaan dalal badan sida Shiinaha iyo Ruushka.
Xogtan oo wali ku jirta heerkii wadaxaajoodka ayaan weli la gaarin natiijo rasmi ah, balse ilo wareedyo dhowr ah ayaa sheegay in wada-hadalladu ay yihiin kuwo “xasaasi ah” oo socda.
Bishii December 2024, Wakaaladda Wararka Somaliland ayaa baahisay in danjiraha Somaliland ee Mareykanka, Bashiir Good, uu xaqiijiyay in Somaliland diyaar u tahay in Mareykanka uu saldhig ka sameysto Berbera, taas oo dan u ah labada dhinac.
Si kastaba ha ahaatee, muddooyinkii dambe waxaa sare u kacay hadal-heynta ku saabsan suurtagalnimada aqoonsiga Somaliland. Waxaana jira hindise sharciyeedyo la horgeeyay qaar kamid ah goleyaasha Mareykanka, kuwaas oo si rasmi ah loogu baaqayo in Somaliland si buuxda loogu aqoonsado dal madax-bannaan.