Friday, October 18, 2024

Madaxweynaha Mauritania oo la wareegay hoggaaminta Midowga Afrika

Addis Ababa (Dawan)- Madaxweynaha Mauritania Maxamed Ould Sheekh Ghazouani ayaa la wareegay hoggaaminta Midowga Afrika sannadka 2024-ka, isaga oo beddelaya Madaxweynaha xilka wareejinaya ee Comoros, Ghazali Othmani.

Madaxweynaha Mauritania ayaa xilka kula wareegay furitaanka Shir Madaxeedka 37-aad ee Afrika oo ka billaawday Addis Ababa, maalintii shalay ahayd (Sabti)

Madaxweynaha Mauritania ayaa si aqlabiyad leh loogu doortay inuu noqdo hoggaamiyaha Midowga Afrika kadib markii ay dalalka kasoo jeeda Gobolka Waqooyiga Afrika ay isku soo raaceen inuu Gobolka metelo

Shirguddoonka Midowga Afrika ayaa ah mid wareegto ah, iyada oo ay shanta Gobol oo ay ka koobantahay Qaaradda Afrika marba Gobol qabto xilkaas, waxaana hadda ka degay xilka Madaxweynaha Comoros oo metelayay Gobolka Bari ee Qaaradda.

Gobolka Waqooyiga ee Afrika waxaa ku jira dalalka Algeria, Masar, Libya, Mauritania, Morocco, Tunisia, iyo Western Sahara.

Shirkii 37-aad ee shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa Sabtidi ka furmay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyada oo lasoo gabagabeynayo maanta oo Axad ah.

Ajendaha shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa inta badan diiradda lagu saarayaa arrimaha maamulka oo ay ku jiraan dib-u-habaynta qaab dhismeedka Midowga Afrika oo 60 jirsaday, arrimaha miisaaniyadda, iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga, barnaamijyada waxbarashada ee sayniska iyo tignoolajiyada iyo sidoo kale sinnaanta jinsiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here