Garoowe (dawan)- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa maanta magacaabay xubno ka mid noqon doona guddiga doorashooyinka Puntland ee (PEC).
War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in xeer madaxweyne lagu magacaaabay Cabdullahi Siciid Ismaciil, Maxamad Abshir Garaad iyo Maxamuud Soofe Xasan oo ka mid noqon doona guddiga doorashooyinka Puntland.
Magacaabistaan ayaa kusoo beegemeysa xilli xisbiyada mucaaradka ka digayaan in doorasho hal dhinac ka qabsoonto Puntland, iyagoo dacwad u gudbiyay maxkamadda Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa horay u sheegay in uu qaban doono doorasho waqtigiida ku dhacda, isaga oo ballan qaaday inaysan dhicin doonin muddo kororsi.
Xisbiyada mucaaradka ayaan illaa iyo hadda wax war ah kasoo saarin magacaabista xubanahaan cusub ee ku biiri doona guddiga doorashooyinka Puntland
Waxaa jirtay in dagaal qasaare geystay oo looga soo horjeedo qaabka uu madaxweyne Deni u maamulo doorashooyinka uu ka dhacay magaalada Garoowe bishii July ee sanadkaan
Dadaalo ay sameeyeen wax garadka iyo odayaasha dhaqanka ayaa ugu dambeyn lagu guuleysatay in la joojiyo colaadda.
Dhawaan ayay ahayd, markii xildhibaanda Puntland ansixiyeen wax ka bedelka dastuurka Puntland ee hannnaanka doorashooyinka.
Wax ka bedelkaan ayaa ogolaan doona in xisbiyada doorasahada ka qeyb gelaaya ay noqon karaan sagaal (9) xisibi, halka markii hore ay ahaan jireen seddex (3) xisbi oo kaliya.