Sunday, September 8, 2024

Madaxweynayaalkii Mareykanka ee la dilay iyo kuwii ka badbaaday

Washington (Dawan)- Dhowr jeer ayaa la  isku dayay in la dilo madaxweynayaalka Mareykanka, iyada oo laga takhalusay 4 ka mid ah, halka kuwa  kale uu soo gaaray dhaawac aan nafta dhaafsiin kadib markii la isku dayay in la dilo. Waxaa jira iyaguna qaar ay CIA-du ka hortagtay lana fashiliyay in la fuliyo dilkooda.

Madaxweynayaalkii Mareykanka ee la dilay

Madaxweynihii 16-aad Abraham Lincoln: Abraham Thomas Lincoln waxa uu ku dhashay gobolka Kentucky ee bariga Mareykanka sannadkii 1809-kii, wuxuuna ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee Mareykan ah ee la dilo.

Sannadkii 1832-kii, waxa uu u tartamay Golaha Guud ee Illinois isaga oo ka wakiil ahaa Xisbiga Whig Party oo markii dambe isu beddelay Xisbiga Jamhuuriga, isaga oo noqday musharraxa madaxtinimada ee xisbiga 1860-kii, wuxuuna noqday Madaxweynihii 16-aad ee Maraykanka.

Lincoln waxa lagu xasuustaa dagaalkii sokeeye ee soo celinta gobolladii koonfurta ee gooni-goosadka ahaa, mamnuuciddii addoonsiga iyo midayntii nidaamka bangiyada.

Lincoln waxaa lagu dilay masraxa Ford ee Washington sannadkii 1865-kii, xilli uu xaaskiisa la daawanayay riwaayad.

Waxaa la guda galay in lasoo qabto ninkii dilay oo lagu magacaabi jiray John Wilkes Booth iyo nin kale oo caawiye u ahaa, waana la dilay Booth kadib markii uu diiday inuu is dhiibo.

Madaxweynihii 20-aad ee James Garfield: James Abram Garfield waxa uu ku dhashay gobolka Ohio sannadkii 1831 kii. Waxa uu ka qayb qaatay dagaalkii sokeeye, ka dibna waxa loo doortay Golaha Wakiilada Mareykanka 1863-kii, isaga oo xildhibaan ahaa ilaa loo doortay madaxweyne 1880-kii.

Garfield waxaa lagu xabbadeeyay meel u dhow boosteejada tareenada ee Washington xilli uu ku sii jeeday New England sannadkii 1881-kii

Garfield waxa uu la jiifay dhawaaci soo gaaray in ka badan laba bilood isaga oo ugu dambayntii geeriyooday, wuxuuna madaxweyne ahaa kaliya lix bilood.

Charles Julius Guiteau oo ahaa ninkii toogtay madaxweynaha ayaa lagu xakumay dil taagasho, waxaana la daldalay sannadkii 1882

Madaxweynihii 25-aad William McKinley: William McKinley waxa uu ku dhashay gobolka Ohio sannadkii 1843 dii, wuxuuna muddo 14 sano ahaa xildhibaan kadibna waxa uu laba jeer madax ka noqday gobolka Ohio inta aan loo dooran madaxweyne sannadkii 1897.

McKinley waxaa lagu xasuustaa guushii uu ka soo hooyay dagaalkii Mareykanka iyo Spain

McKinley ayaa la dilay 1901-dii xilli uu ka qayb gelayay  bandhig ka dhacayay New York. Ka dib markii uu khudbad jeediyay, wuxuu ku adkeystay inuu gacan qaado dadwayanaha.

Nin lagu magacaabo Leon Czolgosz ayaa toogtay madaxweynaha, waxaana lagu xakumay dil toogasho, isaga oo lagu dilay kursiga korontada.

William McKinley

Madaxweynihii 35-aad John Kennedy: John Fitzgerald Kennedy waxa uu ku dhashay magaalada Brooklyn ee Massachusetts 1917 , waxa uu ka mid ahaa ciidamada milatariga, wuxuuna ka qayb qaatay dagaalkii labaad ee aduunka.

Tartanka doorasahda ayuu la galay musharraxii Jamhuuriga Richard Nixon, waan ka guuleysayay sannadkii 1961.

Inkasta uu madaxweyne ahaa in ka yar saddex sano hadana waxaa lagu xasuustaa loolankii tartanka dayax gacmeedka iyo mareynta loolankii dhex maray  Midowgii Sofiyeeti.

John Kennedy ayaa la dilay November 22, 1963, isagoo 46 jir ah, xilli uu booqanayay Dallas.

Madaxdii ka badbaaday isku day dil

Madaxweynihii 7-aad Andrew Jackson: Andrew Jackson waxa uu ku dhashay 1767 South Carolina, waxa uu ahaa ninkii ugu horreeyay ee ka soo jeeda Tennessee ee loo doorto Golaha Wakiilada, wuxuuna noqday geesi qaran markii uu Ingiriiska kaga adkaaday New Orleans 1812kii intii lagu jiray dagaalkii Madax-bannaanida.

Jackson wuxuu talada hayay 1829 ilaa 1837, iyada oo la isku dayay in la dilo sannadkii 1835.

Madaxweynihii 26-aad Theodore Roosevelt: Theodore Roosevelt waxa uu ku dhashay magaalada New York sannadkii 1858, waxa uuna Mareykanka ka noqday madaxweyne 1901-dii kadib markii la dilay William McKinley.

Waxaa lagu xasuustaa inuu dib u soo nooleeyay xisbigii Jamhuuriga oo qarka u saarnaa waayahaas inuu dabar go’o, wuxuuna ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel 1906dii markii uu dhexdhexaadiyay dagaalkii Ruuska iyo Japan.

Sannadkii 1909-kii waxa uu isaga fadhiistay siyaasaadda kadib markii uu laba jeer noqday madaxweyne laakin waxa uu dib usoo rogaal celiyay sannadkii 1912. intii uu ololaha doorashada ku jiray magaalada Milwaukee, ayaa la toogtay inkasta uu ku badbaaday.

Madaxweynihii 32-aad ee Franklin Roosevelt: Franklin Roosevelt wuxuu ku dhashay New York, sannadkii 1882, wuxuuna ina-adeer la ahaa Madaxweyne Theodore Roosevelt.

Waxaa loo doortay madaxtinimada 1932, waxaana lagu xasuustaa inuu ka shaqeeyay dib u habeynta dhaqaalaha, beeraha, iyo warshadaha isaga oo shaqo abuur u sameeyay in ka badan 3 milyan oo dhallinyaro ah.

15-kii bishii Febraayo, 1933, Giuseppe Zangara ayaa shan xabbadood ku dhuftay Roosevelt xilli uu khudbad jeedinayay. Xabbadahaas waxaa ku dhintay duqii Chicago, Anton Cermak.

Franklin Roosevelt (dhexda) Joseph Stalin (bidix) Winston Churchill (midig)

Madaxweynihii 33-aad Harry Truman: Harry Truman waxa uu ku dhashay Missouri 1884 ee. Wuxuu qabtay xilka madaxtinimada 12-kii Abriil, 1945, geeridii Roosevelt ka dib.

Truman waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa madaxweynihii amray in bambooyinka atomikada lagu dhufto magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki ee Japan iyo sidoo kale isku duba ridkii lagu  aasaasay Qaramada Midoobay.

Truman ayaa ka badbaaday isku day dil bishii November 1950 markii laba nin oo hubaysan ay soo weerareen guri uu deganaa oo u dhawaa Aqalka Cad.

Mid ka mid ah raggii soo weeraray waxa uu ku dhintay is rasaaseynta halka kii kale oo lagu magacaabi jiray Oscar Calazo, lagu xakumay dil toogasho balse Truman ayaa xukunkaas ka qafiifiyay uguna bedelay xabsi daa’in, iyada oo la sii daayay 1979-kii xilligii Madaxweyne Jimmy Carter.

Harry Truman

Madaxweynihii 37-aad Richard Nixon: Richard Milhouse Nixon waxa uu ku dhashay Yorba Linda, waxaana loo dooratay madaxweyne 1969-kii.

Waxa la isku dayey in la dilo laba jeer. Markii koowaad waxa ay ahayd sannadkii 1972, markii xabbad lagu furay. Markii labaadna waxa ay ahayd sannadkii 1974-kii, markii Sami Beck uu afduubtay diyaarad DC-9 ah, si uu ugu dhufto Aqalka Cad kadibna ku dilo Madaxweynaha, balse waa laga hortegay.

Richard Milhouse Nixon

Madaxweynihii 38-aad ee Gerald Ford: Gerald Ford waxa uu ku dhashay Nebraska 1913-kii, waxaana loo magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka 1973-kii.

Waxaa madaxtinimada Mareykanka loo dhaariyay 9-kii August, 1974, laakin waxa uu ku sigtay in la dilo laba jeer muddo bil gudaheed ah. Labada jeer ba waxa isku dayay inay dilaan madaxweynaha laba haween.

Madaxweynihii 39-aad ee Jimmy Carter: Jimmy Carter waxa uu ku dhashay gobolka Georgia, wuxuuna bilaabay xirfadiisa siyaasadeed ka dib markii loo doortay senator  1962-kii.

waxa uu Madaxweyne noqday sannadkii 1977, waxaana lagu xasuustaa heshiiskii Camp David ee Masar iyo Israel,  Aqoonsigii Shiinaha, wuxuuna ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel.

Carter waxa uu laba jeer ka badbaaday qorshe la doonaay in lagu dilo sannadihii 1979 iyo 1980.

Jimmy Carter

Madaxweynihii 40-aad ee Ronald Reagan: Ronald Wilson Reagan waxa uu dhashay gobolka Illinois sannadkii 1911-kii waxa uuna ahaa falanqeeye ciyaareed iyo jilaa , ka hor inta uusan kusoo biirin saaxadda  siyaasadda.

Waxa uu doorasahda uga ka adkaaday Jimmy Carter, isaga oo madaxweyne soo ahaa intii u dhaxaysay 1981 ilaa 1989. Waxaa lagu xasuustaa dagaalkii Lubnaan ee 1982-kii, iyo inuu si qarsoodi ah hub uga iibiyay Iran.

Isla ninkii isku dayay inuu dilo Carter oo lagu magaacaabi jiray Hinckley ayaa  markale isku dayay inuu ka taqaluso Reagan, sannadkii 1981-dii , balse wuu ka badbaaday inkasta oo dhaawac fudud soo gaaray.

Madaxweynihii 41-aad ee George  (Odayga): George Herbert Walker Bush waxa uu dhashay magaalada Milton ee gobolka Massachusetts, wuxuuna ka qayb qaatay dagaalkii 2-aad ee dunida, isaga oo ku dhaawacamay.

Sannadkii 1979-kii, Bush waxa loo magacaabay madaxweyne ku-xigeenkii Reagan. 1989-kii waxa uu noqday madaxweynihii 41-aad ee Mareykanka, waxaana lagu xasuustii duullaankii Ciraaq ee 1991.

Mar uu booqday Kuwait sannadkii 1993, waxaa la fashiliyay isku day lagu doonayay in lagu dilo, waxaana lagu eedeeyay sirdoonka Ciraaq inuu ku lug lahaa isku daygaas oo loo xiray 16 qof.

Mareykanka oo ka jawaabaya isku daygaas dil, waxa uu 23 gantaal oo nooca Cruise-ka ah ku garaacay Ciraaq.

Madaxweynihii 42-aad Bill Clinton: William Jefferson “Bill” Clinton waxa uu ku dhashay 1946-kii gobolka Arkansas, isaga oo noqday guddoomiyihii ugu da’da yaraa ee gobolkaas.

Clinton waxa uu Mareykanka soo hoggaamiyay sannadkii 1992 ilaa 1996, isaga oo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee dimuqraadi ah ee mar labaad la doorto tan iyo waagii Franklin Roosevelt

Waxaa lagu xasuusta waayihiisa fadeexado jinsi, wuxuuna ku sigtay in xilka laga tuuro.

Dhowr jeer ayaa la isku dayay in la dio Clinton.  3 ka mid ah waxa ay dhaceen 1994, kii ugu horeeyay waxaa sameeyay Ronald Gene Barbour oo isku dayay in uu dilo isaga oo ku guda jira jimicsi, kii labaadna waxaa sameeyay Frank Eugene Cowdor oo diyaarad ku dhuftay  Aqalka Cad si uu u dilo Clinton. Markii seddexaad Francisco Martin Duran ayaa rasaas ku furay Clinton oo ku jira Aqalka Cad.

Clinton (dhexda) Yaasir Carafaat (Midig) Yitzhak Rabin (bidix)

Madaxweynihii 43-aad George Bush (Wiilka): George W.Bush waxa uu ku dhashay magaalada New Haven ee gobolka Connecticut sannadkii 1946, isaga oo madaxweyne noqday sannadkii 2000. Xilka madaxtinimada waxaa u dhexeeyay isaga iyo aabihiis Clinton

Waxaa lagu xasuustaa dagaalladii uu ku qaaday Afghanistan iyo Ciraaq ee galaaftay nolosha dad tira badan oo rayid ah.

Sannadkii 2006-dii, waxaa la isku dayay in la dilo Bush xilli uu ku sugnaa caasimadda Georgia ee Tbilisi, waxaana lagu tuuray bam, balse ma aysan qarxin.

George W.Bush

Madaxweynihii 44-aad ee Barack Obama: Barack Obama waxa uu sannadkii 1961-kii ku dhashay magaalada Honolulu ee gobolka Hawai , waxa uuna ku takhasusay cilmiga siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah.

2004-tiu waxa uu ka mid noqday  Congress-ka, wuxuuna sannadkii 2008-dii noqday  madaxweynihii ugu horreeyay ee madaw ah , sannadkii 2012-kiina wuxuu ku guuleystay mar labaad.

Dhowr jeer ayaa la isku dayay in la dilo Obama, waxaana laga xusi karaa sanadkii 2011-kii, markaasoo Oscar Hernandez uu ugu yaraan 8 xabadood ku furay Aqalka Cad, inkasta oo Obama uusan joogin xilligaas Aqalka Cad.

Obama iyo qoyskiisa

Madaxweynaha 45-aad ee Donald Trump: Donald Trump waxa uu ku dhashay magaalada New York sanadkii 1946-kii, aabihiis waxa uu ahaa nin taajir ah .

Trump ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee 2016 inkastoo uusan waligiis kasoo shaqaynin siyaasadda, wuxuuna soo saaray go’aamo ka dhan ahaa wadamada Muslimiinta oo dadkooda looga mamnuucay inay u safraan Mareykanka.

Trump waxa uu ka badbaaday isku day dil sannadihii 2016 iyo 2017. Waxa uu sidoo kale ka badbaaday isku daygii ugu dambeeyay ee dhacay 13-ka bishaan July ee 2024.

Nin 20 jir ah oo lagu magacaabo Thomas Matthew Crooks ayaa isku dayay inuu dilo xilli uu taageerayaashiisa kula hadlayay Pennsylvania.

Trump oo dhaawac ah

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here