Thursday, September 19, 2024

Madaxweyne Geelle oo cambaareeyay isku daygii dil ee Trump

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku biiray hogaamiyayaasha caalamka ee cambaareeyay isku daygii dilka ahaa ee lala damacsanaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxweyne Geelle ayaa u qornaa sida soo socota; ” Waxaan si adag u cambaareynayaa isku-dayga dil ee foosha xun ee naxdinta leh. Rabshadaha siyaasadeed waxay khatar weyn ku yihiin xasilloonida caalamka, waa in si aan leex leexad lahayn loo cambaareeyo loogana hortago”

Nin 20 jir ah oo lagu magacaabo Thomas Matthew Crooks ayaa isku dayay inuu dilo Trump xilli uu taageerayaashiisa kula hadlayay Pennsylvania, waxaana soo gaaray dhaawac fudud.

Trump ayaa hore uga badbaaday isku day dil sannadihii 2016 iyo 2017.

Weerarka lagu qaaday Trump ayaa kusoo aaday iyada oo ay waxyar ka dhimanyihiin qabsoomidda doorasahda madaxtinimada ee dalka Mareykanka, taas oo ay ku tartami doonaan markii labaad Donald Trump iyo Joe Biden.

Dhowr jeer ayaa la  isku dayay in la dilo madaxweynayaalka Mareykanka, iyada oo laga takhalusay 4 ka mid ah, halka kuwa  kale uu soo gaaray dhaawac aan nafta dhaafsiin kadib markii la isku dayay in la dilo. Waxaa jira iyaguna qaar ay CIA-du ka hortagtay lana fashiliyay in la fuliyo dilkooda.

Madaxdii la dilay ee Mareykanka ayaa kala ahaa; Abraham Thomas Lincoln, James Abram Garfield, William McKinley iyo John Fitzgerald Kennedy.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here