Sunday, September 8, 2024

Madaxweyne Geelle oo daah furay tirakoobka dadka dalkaas

Jabuuti (Dawan)- Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Jimcihii daah-furay tirakoobka guud ee dadka ku nool guud ahaan deegaanada dalka Jabuuti.

Tirakoobku wuxuu socon doonaa muddo 25 maalmood ah, waxaana ka shaqeyn doona 1,550 wakiil si loo tiriyo guryaha iyo dadka ku nool guri kasta oo ku yaalla caasimadda iyo gobollada Jabuuti.

Tan iyo sannadkii 2009, waa marki ugu horeysay ee dib loo cusbooneysiiyo tirinta dadweyna dalka Jabuuti, waxaana looga gol leeyahay in la isku dheeli tiro tirada dadka iyo mashaariicda horumarineed ee mustaqbalka.


Madaxweynaha Jabuuti ayaa shacabka ugu baaqay in ay si buuxda ula shaqeeyaan hay’adaha tirakoobka, isaga oo carrabka ku akdeeyay in tirakoobkan uu yahay qorshe istiraatijiyadeed oo gunaanadkiisa uu noqon doono tixraaca horumarka dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here