Monday, September 16, 2024

Madaxweyne Geelle oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay 4 safiir oo cusub

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay 4 safiir oo cusub, kuwaas oo kala ah;

Safiirka Jamhuuriyadda Mali u fadhi doona Jamhuuriyadda Jabuuti, , Madou Diallo

Safiirka Jamhuuriyadda Namibia u fadhi doona Jamhuuriyadda Jabuuti, Marwo Emilia Mkusa.

Safiirka Jamhuuriyadda Zambia u fadhi doona Jamhuuriyadda Jabuuti, Marwo Rose Kashembe Sakala iyo

Safiirka Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhi doona Jamhuuriyadda Jabuuti, Kang Jung.

Danjirayaashan ayaa dhamaantood muujiyay sida ay ugu farxaansanyihiin saaxiibtinimada iyo xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya dalalkooda iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Mali ayaa yiri; ” Labada dal waxay wadaagaan ruuxda Afrikaanimada, waxeyna ka shaqeeyaan si loo xoojiyo Midnimada Afrika ee danta dadkeena,”

Safiirka ayaa intaas ku daray in Mali iyo Jabuuti ay ka midaysanyihiin aragtida lagu gaari karo Afrika oo ah nabad, barwaaqo iyo qaarad ka hormsan dhinac kasta, wuxuuna ku amaanay Madaxweyne Geelle sida uu Jabuuti uga dhigay dal ka sameeyay horumar muuqda dhinaca dhaqaalha iyo nabadda.

Safiirka cusub ee Namibia u fadhin doona dalka Jabuuti Marwo Emilia Mkusa ayaa iyaduna hadal ka jeedisay munaasabadda looga guddoomay warqadaha aqoonsiga waxeyna tilmaamtay in Jabuuti ay kaalin muhiim ah ku leedahay nabadda iyo ganacsiga gobolka, iyada oo xustay in iskaashiga Namibia iyo Jabuuti uu xoogga saari doono dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, waxbarashada, iyo dhaqanka.

Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Zambia, Marwo Rose Kashembe Sakala ayaa iyaduna ballan qaaday in ay gacan ka gaysan doonto horumarinta iyo dhameystirka iskaashiga labada dal.

Dhankiisa safiirka Jamhuuriyadda Kuuriya, Kang Jung ayaa rajo wayn ka muujiyay aas-aasidda cusub ee is dhaafsiga dhaqaalaha iyo xoojinta iskaashiga Labada dal, isaga oo sheegay in Jabuuti ay tahay dal muhiim u ah hawlgalka lagula dagaallamayo argagixisada iyo burcad-badeedda gobolka.

Safiirka ayaa intaas ku daray in dalkiisu aaminsanyahay in Jamhuuriyadda Jabuuti ay gaartay xasillooni siyaasadeed iyo kobac dhaqaale, iyada oo si wayn uga qayb qaadata nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay magacaabista Safiiradaan u leedahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Jabuuti kala dhaxeeya dalalka dunida, wuxuuna u rajeeyay Safiirada cusub in sida ugu wanaagsan u gutaan shaqadooda.

Dowladda Jabuuti ayaa dadaal badan ku bixisay adkaynta xiriirka saaxibtnimo ee kala dhaxeeya dalalka dunida, waxayna inta baan diiradda saartaa iskaashiga dhanka ganacsiga, maalgashiga, nabadda iyo xasiloonida.

Jabuuti waxa ay si firfircoon uga qayb qaadataa dadaallada nabadda iyo amniga Gobolka Geeska Afrika iyada oo sidoo kale aad ugu ololeysa xoojinta iskaashiga dhanka ganacsiga iyo maalgashiga ee dallaka Bariga Afrika.

Jabuuti waa dal yar oo dhaca Geeska Afrika ayna ku noolyihiin 1.1 milyan oo qof, kaas oo xornimada ka qaatay gumeystihii Faransiiska 1977.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here