Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday inuusan weli gaarin go’aan rasmi ah oo ku saabsan inuu mar kale isu soo taago xilka madaxweynaha doorashada la filayo sanadka 2026.
Waraysi uu siiyay wargeyska The EastAfrican ee fadhigiisu yahay Tanzania, ayuu Madaxweyne Xasan sheegay inuu hadda diiradda saarayo dib-u-dhiska dalka, iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.
“Markii waqtiga doorashada yimaado ayaan go’aan ka gaari doonaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida laga soo xigtay wargeyska The EastAfrican.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale faahfaahiyay qorshayaashiisa siyaasadeed ee mustaqbalka, isagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarinta amniga dalka, kobcinta dhaqaalaha, iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya la leedahay dalalka dariska ah iyo kuwa caalamiga ah, sida Kenya iyo Mareykanka.
Isagoo ka hadlayay xaaladda amniga Muqdisho, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in tan iyo markii uu xilka qabtay 2022, amniga caasimaddu uu si weyn u soo hagaagay, qaraxyadii joogtada ahaa ee bishiiba dhici jirayna ay si weyn u yaraadeen.
“Magaalada hadda waxaa ka jira koboc weyn. Waxaad arkeysaa suuqyo cusub, mall-yo iyo dhismayaal cusub oo ka baxaya meel walba,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Wareeysigaan Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli uu sanad kaliya ka haray waqtiga rasmiga ah ee doorashada madaxtinimada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah madaxweynaha kaliya ee labo jeer loo doortaymadaxweyne ka noqday Soomaaliya.