Thursday, September 19, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqorka Norway

Oslo (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga boqortooyada Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus, sida ay sheegtay Villa Somalia.

“Madaxweynaha iyo Boqorka ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, iyagoo diiradda saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha, amniga, isbeddelka cimilada adduunka iyo arrimaha bulshada” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Boqorka iyo shacabka Norway taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo ay ku jirto dib u dhiska dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la wadaagay Boqor Harald V horumarka iyo isbedelada waaweyn ee ka socda Soomaaliya, isagoo xusay dadaallada dowladda ee ku aaddan nabadeynta, kobcinta dhaqaalaha, iyo hagaajinta adeegyada bulshada, isagoo adkeeyey nabdda iyo horumarka gobolka.

Dhanka kale, farriin lagu daabacay barta Facebook ee qasriga boqortooyada Norway, ayaa lagu yiri; ” Waa markii ugu horreysay oo madaxweyne Soomaaliyeed uu booqasho rasmi ah ku yimaado Norway”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guda jira booqasho uu ku marayo dhowr dal oo Yurub ah, isaga oo mas’uuliyiinta dalalkaas kala xaajoonaya xoojinta iyo iskaashiga kala dhaxeeya Soomaaliya.

Inta uu Norway joogo, waxa uu Madaxweynuhu khudbad ka jeedin doona shirka sannadlaha ah ee Madasha Oslo 2024.

Tan iyo 2003, Madasha Oslo waxay martigelisay shirar badan oo ay kasoo qayb agleen qaar badan oo ka tirsan hoggaamiyayaasha caalamka, dadka ka qayb qaata dhaxdhaxaadinta iyo khubarada arrimaha qalalaasooyinka si looga wada hadlo jawi lagu abuuri karo duni nabdoon.

Sida uu ogaaday Dawan TV, Madaxweyne Xasan ayaa u sii gudbi doona dalka Switzerland, isaga oo halaas uga qayb geli doona shir ku saabsan nabadda caalaamka, kaas oo qabsoomi doona 15 iyo 16 bishan June.

Shirkan oo ay kasoo qayb geli doonaan dowlado badan iyo hay’ado caalami, waxaa inta badan diiradda lagu saari doona dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here