Wednesday, November 13, 2024

Magacaabista guddiga doorashooyinka Jubaland iyo diidmada federaalka

Kismaayo (Dawan)- Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu magacaabay Guddiga Madaxa banaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland.

Guddiga oo ka kooban todobo xubnood ayaa waajibaadkiisu yahay diyaarinta doorashooyinka Jubaland ee dadban, taas oo ka dhigan in Jubaland ay qaaday hannan ka duwan kii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee ahaa in dalka loo jiheeyo doorasho toos ah.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:

1. Mursal Siyaad Maxamed 2. Warfaa Maxamed Jaamac 3. Axmed Xaaji Cabdi 4. Naciimo Ibraahim Maxamed 5. Axmed Maxamuud Yuusuf 6. Maxamed Cusmaan Yuusuf 7. Maxamed Xuseen Cusmaan 

Sidoo kale, go’aankaan waxa uu muujinaya heerka ay Jubaland ka taagantahay qorshaha dowladda federaalka ee ah in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah sanaka soo socda.

Diidmada dowladda federaalka

Dowladda federaalka ayaa si cad u diiday tillaabada uu Axmed Madoobe ku magacaabay guddiga doorashooyinka Jubaland, waxayna ku tilmaamtay mid sharci ah darro, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Wasaaraddu waxay Axmed Madoobe ku eedeysay inuu ka baxay ballamihii lagu galay in dalka lagu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah iyo sidoo kale ballantii uu la galay saamileyda siyaasadda Jubaland sannadkii 2019 ee ahayd inuusan isa soo sharrixi doonin mar kale.

Wasaaraddu waxay intaas raacisay in madaxweynaha Jubaland uusan haysan sharciyad uu ku magacaabi karo ama ku maamuli karo doorasho maadaama mudda xileedkiisi uu dhaamaaday hadana uu kirsiga ku joogo is fahan siyaasadeed.

“Dowadda Federalka, waxay caddeynaysaa in Mudo xileedkii Mudane Axmed Madoobe ka dhammaaday bishii August 2023, wixii ka dambeeyayna uu xilka ku si hayay heshiis siyaasadeed oo ay wada galeen Dowladda Federalka yo Dowlad goboleedyada si looga wada shaqeeyo qabashada doorasho gof iyo cod ah, sidaa owgeedna uusan haysanin shariyad uu dastuurka ku badalo ama mid uu ku maamulo doorasho ka duwan tii lagu heshiyay” sidaa waaxa alagu yiri war-saxaafadeede ay sooo saartaya wasaradda Arrimaha Gudaha iyo dib- u- heshiisiinta Soomaaliya

Wasaaradda ayaa war-saxaafadeedkeeda kusoo gabagabeysay inay diyaar u tahay sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka Jubaland iyada oo laga wada qayb gelinayo dhammaan kooxaha ay quseyso.

Taageeraada Himilo Qaran ee Jubaland

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa taageero u muujiyay go’aanka uu Axmed Madoobe ku magacaabay guddiga doorashooyiinka dadban ee la qorsheynayo inay maamulaan doorashooyinka soo socda ee Jubaland.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ku bogaadinayaa tallaabada Dastuuriga ah ee uu qaaday Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee ku aadan magacaabista Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland”

Dhanka kale, Xisbigu waxa uu caddeeyay inuu kasoo horjeedo siyaasadda dowladda ee uu ku tilmaamay mid qorr qabad ah oo ay ku dhaqmayaan madaxda dowladda federaalka.

“Xisbigu wuxuu kasoo hor-jeedaa siyaasadda gur- racan ee qoor-qabadka ah ee madaxda Federaalku kula dhaqmayaan Dowlad Goboleedyada Dalka. Xisbigu wuxuu aaminsanyahay dhiirra-galinta cid kasta oo ka hortimaadda af-duubka siyaasadeed ee aan ku dhisnayn wax sharciyad ah”

Xisbiga Himilo Qaran ayaa si adag uga digay in Dowladda Federaalku ay abaabusho kacdoonno hubaysan oo lagu khalkhal gelinayo xasilloonida iyo nidaamka ka jira Dowlad Goboleedka Jubaland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here