Thursday, September 19, 2024

Magacyada safiiro cusub oo ay xukuumaddu ansixisay

Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo caawa yeeshay shir deg-deg ah ayaa ansixiyay 12 safiir oo cusub iyo laba qunsul. Lama shaacin dalalka loo magacaabay safiiradan la meelmariyay.

Magacyada safiirada iyo labada qunsul

1. Ibraahim Cumar Sheegow – Safiir

2. Sheekhnuur Maxamed Xasan – Safiir

3. Jaamac Xasan Khaliif – Safiir

4. Dr. Cabdulkhaadir A. Xaashi – Safiir

5. Fardowsa Maxamed Qanyare – Safiir

6. Faysal Axmed Salaad – Safiir

7. Abiib Muuse Faarax – Safiir

8. Dr. Hodan Cismaan Cabdi – Safiir

9. Ilyaas Cali Xasan – Safiir

10. Dr. Sakhawadiin Mustaf Maxamed – Safiir

11. Maxamed Abuukar Zubeer – Safiir

12. Cabdinuur Daahir Fiidow – Safiir

13. Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) – Qunsul Guud

14. Cabdikariin Axmed Maxamed – Qunsul Guud

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa sidaan oo kale ansixiyay 10 Safiir bishii February ee sannadkan, iyada oo loo kala diray dalalka Soomaaliya ay la leedahay xiriirka Diblomaasiyadeed.

Golaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in lacag Nus Milyan Dollar ah ay Xukuumaddu u qoondeysay ku taageeridda dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxii dhawaaan ka dhacay xeebta Liido, iyada oo Ra’iisul Wasaaruhu mushaarkiisa bishaan uu u jaray gurmadka dadka waxyeelladu soo gaartay, halka dhammaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaharaadkooda qayb ka mid ah ugu deeqeen dadkaas.

“Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan”. yaa lagu yiri; qoraal kasoo baxay xukuumadda

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Xukuumaddu qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo sugidda amniga shacabka

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here