Thursday, September 19, 2024

Malaga yaabaa in uu dib usoo noolaado xiriirkii Soomaaliya iyo Iran?

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Iran, kaddib shilkii diyaaradeed ee galaaftay nolosha Madaxweyne Ibraahim Raisi, Wasiirkii Arrimaha Dibadda, Xuseen Amiir, iyo mas’uuliyin kale oo diyaaradda la saarnaa madaxweynaha.

Dowladda Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u direysaa dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Iran geeridii ku timid Madaxweyne Ibraahim Raisi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Xuseen Amiir iyo mas’uuliyiintii kale ee ku wehliyay shilkii naxdinta lahaa ee diyaaradda helicopter-ka” ayaa lgu yiri, dhambaalka tacsida ee kasoo baxay Villa Somalia.

Tacsida oo lagu faafiyay bogga X ee madaxtooyada, waxaa faalo ka bixiyay sidoo kalena lasii wadaagay dadka , safaaradda ay Iran ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Safaaraddu waxa ay ka mahadcelisay tacsida iyo dareenka madaxada dowladda Soomaaliya, waxeyna rajo ka muujisay in xiriirka labada dal sii xoogeysto.

“Safaaradda jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxa ay u mahadcelinaysaa xafiiska madaxweynaha Soomaaliya sida ay usoo gaarsiiyeen farriinta wanaagsan, waxayna rajeynaysaa in kor loo qaado xiriirka labada dal ee ah walaalo Muslimiin ah” ayaa lagu yiri, faallada ay bixisay safaaradda Iran

Dowladda Soomaaliya ayaa jartay sannadkii 2016-kii, xiriirkii dibloomasiyeed ee ka dhaxeeyay labada dal kadib markii ay ku eedeysay Iran in ay gudaha dalka ka fulisay howlo lagu faafinayo mad-habka Shiicada.

Xasan Sheekh oo xilligaas ahaa madaxweynaha dalka ayaa soo saaray go’aan lagu xirayo safaaradda Iran ee Soomaaliya, wuxuuna mamnuucay in wax shaqo ah ay Iran ka fuliso gudaha Soomaaliya.

Inkasta oo dowladdii Farmaajo isku dayday in ay soo dhawaysato dowladihii ay xurguftu kala dhaxeysay Xasan Sheekh hadana laguma guuleysan in xiriirkii diblomaasiyadeed ee Iran lasoo celiyo.

Safiirka Iran u fadhiya Kenya, Cali Gholampour ayaa dabayaaqadii bishii March rajo ka muujiyay dib usoo nooleynta xiriirka Soomaaliya kadib dhowr sano oo uu hakad galay.

Hadalka safiirka ayaa kusoo beegmay kadib markii ay Soomaaliya xabsiga kasii deysay muwaadiniin u dhashay Iran oo gaarayay 33 qof kuwaas oo laga soo qabtay xeebaha Soomaaliya 2023, iyaga oo si sharci darri ah uga kalluumaysanayay badda Soomaaliya, waxaana lagu xakumay ganaax lacageed.

Safiirka Iran ayaa sheegay in go’aanka ay Soomaaliya kusii deysay muwaadiniinta dalkiisa inuu ka qeyb qaadan doono abuurista jawi wanaagsan oo dib loogu soo celin karo xiriirkii laba geesoodka ahaa, isla markaana u gogol xaaraya wada hadal wax ku ool ah oo dhex mara Iran iyo Soomaaliya.

Cali Gholampour ayaa carrabka ku dhiftay in labada dal ay iska kaashan karaan dhanka horumarinta kallumeysiga, ilaalinta amniga badaha iyo in aysan soo noqonin in kalluumeysato kasoo jeeda Iran aan mar kale lagu xirin gudaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid ahayd dowladihii u jaray xiriirka diblomaasiyadeed Iran kadib markii khilaaf xoogaan soo kala dhex galay dowladaha Sacuudiga iyo Iran, inkasta oo ay Soomaaliya ku eedeysay Iran inay ku howlaneed xilligaas sidii ay Soomaaliya ugu faafin lahayd Mad-habka Shiicada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here