Manchester (Dawan)- Maanta oo Axad ah kooxda Manchester City ayaa markii afaraad oo xiriir ah ku guuleysatay koobka horyaalka Ingiriiska, kadib markii ay 3-1 uga badisay kooxda West Ham, waana markii tobonaad ee Manchester City ay ku guuleysato Premier League.
Goolasha City waxaa u kala dhaliyay Phil Foden daqiiqadaha (2-aad iyo 18-aad) iyo Rodri (59-aad) halka goolka qura uu dhaliyay Maxamed Quddus kooxdiisa West Ham daqiiqadii 42-aad ee ciyaarta.
Phil Foden ayaa dhaliyay 9 gool 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ciyaaray tartamada oo dhan, isaga oo dhaliyay 8 gool 6-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka England.
Kooxda Manchester City ayaa ku guuleysatay horyaalka Premier League lix ka mid ah 7-dii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay.
Pep Guardiola ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee 4 koob oo xiriir ah ku guulaysta taariikhda horyaalka Ingiriiska.
Tababaraha caanka ah ee Isbaanishka ayaa ku guuleysto horyaalkiisii laba iyo tobnaad isagoo tababare ah.
Guardiola ayaa sidoo kale ku guuleystay koobka horyaalka 12 ka mid ah 15 xilli ciyaareed oo uu tababare ahaa.
Dhinaca kale Arsenal ayaa 2-1 ku garaacday kooxda Everton.
Manchester City ayaa aruursatay 91 dhibcood, xilli ciyaareedkaan halka Arsenal ay gashay kaalinta labaad, iyadoo leh 89 dhibcood.