Thursday, September 19, 2024

Manchester United oo 2-1 uga badisay City kuna guuleysatay FA Cup-ka

London (Dawan)- Manchester United ayaa ku guuleysatay koobka FA Cup ka dib markii ay 2-1 kaga badisay kooxda ay kawada dhisan yihiin hal magaalo ee Manchester City ciyaartii finalka ee galabta ka dhacday garoonka Wembley .

Alejandro Garnacho iyo Kobe Maino ayaa daqiiqadihii 30 -aad iyo 39-aad u kala dhaliyay kooxda Manchester United labada gool, halka Jeremy Doku uu daqiiqadii 87-aad u dhaliyay City goolka kaliya ee ay la timid ciyaarta.

Kobe Maino oo 19 sano jir ah ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee gool ka dhaliya finalka FA Cup tan iyo 1983 markaas oo Norman Whiteside uu gool u dhaliyay kooxda Manchester United.

Manchester United ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee ciyaarta finalka FA Cup markii 22-aad, waxeyna ku guuleysatay 13 jeer,

Kooxda Arsenal ayaa ah kooxda ugu badan ee ku guuleysatay koobka FA CUP-ka iyada oo qaaday 14 jeer.

Labada koox ee ku abtirsada magaalada Manchester ayaa isaga hor imaanayaan finalka FA Cup-ka xilli ciyaareedkii labaad oo xiriir ah.

Manchester United ayaa magdhow ka siisay taageerayaasheeda kaalinta sideedaad ee ay ka galeen sannadkan horyaalka England, waxeyna xaqiijisay in ay ka qayb qaadato tartanka Europe League xilli ciyaareedka soo socda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here