Thursday, September 19, 2024

Mandera iyo Wajeer oo helay taageero waxbarasho oo dhan 4.4 milyan oo ginni

Wajeer (Dawan)- Ismaamulada Mandera iyo Wajeer ayaa laga hirgelin doona barnaamij waxbarasho oo ay ku baxayso 4.4 milyan oo ginni, muddo seddex sano ah.

Barnaamijkan oo lagu magacaabo INSPIRED waxaa maalgelin doona hay’adda FCDO , hay’adda Horumarinta Waxbarashada (EDT), Aga Khan Foundation, Sightsavers, WPDA, iyo VOPA.

Barnaamijka INSPIRED ayaa loogu talagalay in lagu hormariyo waxbarashada aasaasiga ah ee in ka badan 200,000 oo carruur ah iyo 100,000 oo ah carruurta la takooro iyo kuwa nugul ee labada ismaamul.

Sidoo kale, barnaamijkan ayaa lagu tababari doonaa 289 macallimiin dhanka ciyaraha kala duwan, kuwaas oo ka howlgeli doona xarumo ka tirsan Mandera iyo Wajeer

Guddoomiye ku xigeenka ismaamulka Mandera, oo uu wehelinayay Safiirka Ingiriiska ee Kenya, iyo Guddoomiyaha Wajeer ayaa ka qeyb galay kulan ay soo qaban qaabiyeen hay’adaha fulinaya barnaamijka waxbarashada ee INSPIRED.

Guddoomiye ku xigeenka Mandera, ayaa si weyn ugu mahadceliyay dowladda UK iyo bahwadaagta kale ee barnaamijkan muhiimka ah ee kor u qaadaya tayada waxbarashada ee labada ismaamul.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here