Thursday, September 26, 2024

Mandera oo ku guuleysatay abaalmarinta magaalada gagaaran ee Adduunka

Mandera (Dawan)- Ismaamulka Mandera oo ka tirsan deegaanka qalalan, ayaa ku guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee ‘Green City Award’ ee qeybta ‘Living Green for Climate Change’ oo la xiriirta cagaarinta iyo la dagaalanka isbeddelka cimilada.

Abaalmarintan ayaa la guddoonsiiyay magaalada Mandera munaasabad ka dhacday Utrecht, Nederland, oo uu soo qabanqaabiyay Ururka Beeraleyda Caalamiga ah (AIPH).

Guushan ayaa ku timid dadaalka dheeriga ah iyo hindisaha Mandera Green Initiative, oo ahaa mashruuc socday muddo siddeed sano ah, kaas oo beddelay deegaanka iyo nolosha dadweynaha magaalada.

Mashruucan ayaa la bilaabay kadib markii uu deegaanka saameeyay isbeddelka cimilada iyo burburinta deegaanka, taas oo ka dhalatay qulqulka qaxootiga ka yimid Soomaaliya.

Ismaamulka Mandera oo uu hogaaminayo gudoomiyaha magaalada Maxamed Khaliif ayaa ku guuleysatay hirgelinta qorshaha cagaarinta ah eelagu beeray ku dhawaad ​​300,000 oo geed si wax looga qabto abaaraha soo noqnoqday.

Guddoomiyaha Mandera, Maxamed Khaliif Aadan, ayaa sheegay in markii hore mashruuca ay soo wajahday caqabado adag, gaar ahaan sababta oo ahayd dadkii qaxootiga ahaa ee ku soo qulqulay deegaanka bariga Mandera , balse adkaysi badan kadib waxaa laga gaaray guulo muhiim ah oo dhinaca deegaanka iyo bulshada ah.

Mashruucan Mandera Green Initiative wuxuu shaqo u abuuray 1,300 qof oo intooda badan ay yihiin dumar iyo dhalinyaro nugul. Mashruucani wuxuu si gaar ah fursado shaqo ugu abuuray haweenka oo markii hore ku tiirsanaa shaqooyin khatar ah oo aan sharci ahayn, balse haatan waxay heystaan fursado shaqo oo waara.

Mandera waxay tartanka abaalmarintan kaga adkaatay magaalooyin waaweyn oo ay kamid yihiin Liverpool (UK) iyo Melbourne (Australia), kuwaas oo iyaguna ku tartamayey dhinaca cagaarinta magaalooyinka.

Guusha Mandera ayaa muujinaysa sida ay suurtagalka u tahay in deegaanka qalalan loo beddelo meel cagaaran oo la noolaan karo, iyada oo la xoojiyo dhaqaalaha deegaanka iyo nolosha bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here