Monday, September 16, 2024

Mandheera.. Magaalada ay ku dhashaan caruurta ugu badan Kenya

Mandheera (Dawan)- Heerka dhalmada ee ismaamulka Mandheera ayaa lagu tilmaamay mid aad u sarreeya, waxeyna kaalinta koowaad ee xagga dhalmada ka gashay tirakoobkii u dambeeyay ee laga sameeyay gobollada dalka Kenya.

Xogtan waxaa lagu ogaaday warbixin ay soo saartay Waaxda Tirakoobka Dadweynaha iyo Caafimaadka ee Kenya taas oo ku saabsaneed kala sarreynta kororka caruurta ku dhalanaysa gobollada kala duwan ee dalkaas.

Mandheera oo kaalinta koowaad gashay ayaa lagu qiyaasay heerka dhalmada haweenka seddexdi sano ee lasoo dhaafay in ay u dhaxeysay 3 ilaa 4 caruur ah. 8 ka mid 10 kii haweeen ayaa sedexdi sano ee u dambeysay dhalayay ugu yaraan 3 caruur ah.

Deegaanada ismaamulada Wajeer iyo West Pokot oo kaalinta labaad isku ciriiriyay ayaa la sheegay in ay ku siyaaday 2 caruur ah, marka loo eego warbixinadii hore, taas oo ka dhigaysa wadarta guud in haweeneydiiba ay heysato 7 caruur ah.

Haweenka ku nool Marsabit, Samburu iyo Turkana ayaa celcelis ahaan heysta lix caruur ah.

Warbixinta Tirakoobka iyo Caafimaadka Dadweynaha ee Kenya waxay muujisay in Tana River iyo Garissa ay diiwaangeliyeen ugu yaraan shan caruur ah haweeney kasta.

Sahankaan ayaa sharaxaya in koroka ku yimid heerka dhalmada ee Mandheera ay qayb weyn ka tahay qorsheenta qoyska oo aan badi la isticmaalin. Kaliya laba ka mid ah 10 kii haween ayaa isticmaala habka kala dheereynta da’da u dhaxeysa caruurta, sida lagu sheegay warbixinta.

Inta badan gobollada Kenya waxay lahaayeen heer dhalmo oo u dhexeeyay saddex ilaa afar caruur ah haweeney kasta tan iyo markii la billoobay tixraaca lagu ogaado caruurta dhalanaysa.

Haweenka ku nool Mandheera ayaa la sheegay inaysan aaminsanayn muhiimadda qorsheynta qoyska, taas oo ka qayb qaadatay inay kororto tirada caruurta dhalanaysa, iyada oo ay jiraan dhibaatooyin dhanka caafimaadka ah soo wajaha caruurta iyo hooyooyinka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here