Friday, October 18, 2024

Maraykanka oo kala hadlaaya Kenya iyo Itoobiya xasiloonida Geeska Afrika

Nairobi (Dawan)- Ergayga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer ayaa booqasho ku kala bixinaaya  Nairobi iyo Addis Ababa 28-ka bishaan August ilaa 8-da bisha soo socota ee September, wuxuuna  kulmo kala duwan la yeelan doona  madaxda Kenya,  Itoobiya, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah.

Ergayga ayaa madaxdaan kala hadli doona sidii wax looga qaban lahaa qalalaasaha ka taagan Suudaan iyo dadaallada heer gobol iyo heer caalami ee lagu soo afjari karo colaadda.

Maamul wanaagga, dimoqoraadiyadda iyo in lala xisaabtamo shakhsiyaadka ka danbeeya hurinta colaadda ayaa ka mid ah arrimaha uu kala hadli doono madaxda Geeska Afrika.

Mike Hammer ayaa si gaar ah ugala xaajoon doona madaxda Itoobiya sidii loo xoojin lahaa heshiiskii laga gaaray dagaalka Tigrey iyo in hadda wada hadal lagu dhammeeyo colaadaha ka jira gobolada Amxaarada iyo Oromada.

Maraykanka ayaa dhowr jeer cambaareeyay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhaca Geeska Afrika gaar ahaan Suudaan iyo Itoobiya, wuxuuna ballan qaaday in lala xisaatmi doono kuwa geystay tacaddiyada ka dhanka ah bini aadanimada.

In ka badan 4.5 milyan oo qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku barakaceen dagaalka Suudaan ka qarxay bartamihii April, waxaana ka dhashay khasaara isagu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur ballaaran oo soo gaaray guryaha, goobaha caafimaadka iyo waxbarasahda.

Waxaa xusid mudan in Ergayga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer uu boqasho nuucaan ah ku yimid dalalka Jabuuti iyo Itoobiya dhamaadkii bishii May iyo billaawgii bishii June ee sannadkaan, isaga oo kulamo looga hadlaayay inta badan xasiloonada gobalka la yeeshay madaxdii uu la kulmay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here