Friday, November 22, 2024

Maraykanka oo ku deeqay lacag wax looga qabanayo dhibaatada Liibiya

Washington (Dawan)- Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa  ku dhawaaqay in dalkiisu u fidanayo gargaar bini aadantinimo dadka   Liibiya ee waxyeelladu kaso gaartay Daadadkii dalkaas ku dhuftay ee galaaftay nolosha kumanaan qof.

Biden ayaa sheegay in ay qorsheyeen in Liibiya la siiyo lacag gaareysa 11 milyan oo dollar

“Dowladda Maraykanku waxey siineysa hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini aadantinimada ee Liibiya ku sugan 11 milyan oo dollar si garab istaag loogu muujiyo dadka Liibiya ee dadaalka ugu jira sidii ay uga soo kaban lahaayeen dhibaatadii kasoo gaartay Daadadka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo.

Bayaanka ayaa  intaas ku daray in Wasaaradda Arrimaha Dibbadda   iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanku ay gacan  ka geysan doonaan isku dubaridka gaarsiinta gargaarka dadka aadka ugu baahan.

Dowladda Maraykanka ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonto garab istaagga iyo taageeridda dadka Liibiya oo ku jira xaalad aad u adag, xilligaan la joogo.

Maraykanka ayaa sidoo kale ka hadlay dib u dhiska dowladnimada Liibiya, isaga oo sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dariiq toosan loo jeexo siyaasadda Liibiya si loo helo dowlad ka jawaabi karta dhibaatada dadka Liibiya.

Dowladda Liibiya ayaa shaacisay in ay soo gaartay dhibaato lagu qiyaasay ku dhawaaad 70% kaabayaalka dhaqaalaha bariga dalka Liibiya.

10-kii Sebtembar, Duufaanta lagu magacaabo  Daniel ayaa ku dhufatay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla bariga Liibiya, taas oo sababtay burbur xooggan oo soo gaaray magaalada Derna.

Duufaanta iyo daadadka ka dhashay ayaa sidoo kale sababay dhimashada 11,470, halka la la’yahay dad gaaraya 10,100 qof, waxaana ku barakacay  ku dhawaad 40,000, sida lagu sheegay warbixin kaoo baxday  Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha bini aadantinimada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here