Saturday, October 26, 2024

Mareykanka.. Ma ogtahay inay jiraan murashaxiin aan ahayn Trump iyo Harris?

Washington (Dawan)- Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayaa wajahaya madaxweyne ku xigeenka dalkaas Kamala Harris doorashada madaxtinimada Mareykanka ee la qorsheeyay inay dhacdo 5-ta November, ka dib markii madaxweyne Joe Biden uu isaga haray tartanka doorashada.

Sida lawada qiyaasayo, Trump ayaa kusoo noqon doona Aqalka Cad ama Harris ayaa noqon doonta haweeneydi ugu horeysay ee hogaamisa dalka ugu awoodda badan dunida laakin ma ogtahay inay jiraan murashaxiin kale oo u tartamaya xilka ugu sarreeya Mareykanka?

murashaxiinta madaxtinimada Mareykanka

Chase Oliver (Xisbiga Libertarian)

Inkasta oo Xisbiga Libertarian uu ku casuumay Trump shirweynihiisa, hadana waxa uu go’aansaday ugu dambeyntii inuu murashax u doorto Chase Oliver oo 39 jir ah.

Xisbiga Libertarian waa xisbi siyaasadeed u ololeeya mabaadi’da xorriyadda, xuquuqda asaasiga ah ee shakhsiyaadka, waana xisbi kasoo horjeeda awoodda soo jireenka ah ee hay’adaha federaalka, goboleedka iyo dowladaha hoose.

Xisbiga Libertarian waxaa lagu aasaasay Westminster, Colorado, sannadkii 1971-kii, wuxuuna soo bandhigay musharraxiisi ​​ugu horreeyay ee madaxweynanimada sanadkii ku xigay.

Sannadkii 1980-kii, waxa uu gaaray heerkii ugu sarreeyey ee guushiisa markii uu musharraxa madaxweynaha, Edward E. Clark, oo ahaa qareen uu helay 921,199 cod.

Sannadkii 2000, xisbigu waxa uu u tartamay aqlabiyadda kuraastii golaha wakiilada, inkasta oo aanu wax kuraas ah ku guulaysan, haddana murrashaxiintiisa waxay heleen 1.7 milyan oo cod.

Laga soo bilaabo bishii May 2024, Xisbiga Libertarian waxa uu noqday xisbiga saddexaad ee ugu weyn siyaasadda Maraykanka marka loo eego diiwaangelinta codbixiyayaasha. Doorashadii 2020, wuxuu ku guuleystey kursi Golaha Wakiilada Wyoming, taasoo siisay guushii ugu horeysay tan iyo 2000.

Hadda waxa jira 178 xubnood oo ka tirsan xisbiga Libertarians kuwaas oo jagooyin loo doortay. Laga soo bilaabo December 2023, waxaa jiray 741,930 codbixiyeyaal ah oo taagersan Libertarian kuwaas oo ka diiwaangashan 31 gobol.

Chase Oliver

Jill Stein (Xisbiga Green )

Dhakhtarada Jill Stein, oo 74 jir ah, ayaa isku dayaysa in ay markale u tartanto madaxtinimada Mareykanka, iyada oo ka wakiil ah Xibiga Green. Waxa ay ku eedaysay Dimuqraadiyiinta in ay jabiyeen balamihii ay u qaadeen ee dhanka shaqaalaha, dhallinyarada, iyo isbedelka cimilada.

Stein waxa ay siyaasadda soo gashay 2002-dii markii xisbiga Green ee Massachusetts ay ka codsadeen in ay isu sharaxdo guddoomiyaha gobolka Massachusetts.

Laba sano ka dib, waxay ku matashay xisbiga doorashadii wakiilada ee gobolka 2004, ka dibna 2006 waxaa loo soo jeediyay jagada Xoghayaha dibadda , laakiin looma magacaabin.

2010ki waxay u tartantay guddoomiyaha gobolka Massachusetts, balse waxa ay gashay kaalinta afraad iyada oo heshay 1.42% codadkii la dhiibtay.

Sannadkii 2012, waxay u tartantay jagada Madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga National Green Party, balse waxay gashay kaalinta afraad iyada oo heshay 0.4% codadkii la dhiibtay, tirada codadka ay heshayna waxay gaarayeen ilaa 470,000 oo cod oo kaliya.

Sannadkii 2016-kii, waxay ka qayb-gashay doorashadii madaxtinimo waxayna sidoo kale gashay kaalinta afraad iyadoo heshay 1.1% codadkii la dhiibtay.

Ra’yi ururin la sameeyay waxay muujisay in 40% codbixiyayaasha Muslimiinta ee gobolka Michigan ay doonayaan inay u codeeyaan Stein.

Stein ayaa taageero weyn ka heshay codbixiyaasha gobolka Wisconsin, iyadoo 44% ay sheegeen inay doonayaan inay u codeeyaan sidoo kale 35% codbixiyaasha Muslimiinta ee Arizona ayaa taageersan.

Jill Stein

Cornel West (Siyaasi madax-banaan)

Aqoonyayahanka ku xeel dheer falsafadda ee Cornel West ayaa ka mid ah murashaxiinta u taagan madaxtinimada Mareykanka, isaga oo ah siyaasi madax banaaan.

Tan iyo yaraantiisii, waxa uu ahaa mid aad ugu janjeera xagga siyaasadda, waxa uuna ka qayb qaadan jiray mudaaharaadyada khuseeya difaaca xuquuqda dadka rayidka ah.

Dhallinyarnimadiisii ​​wuxuu ku qancay halgankii madowga ee uu curiyay Malcolm X

Markii hore, waxa uu Cornel sheegay inuu meteli doono xisbiga Progressive People’s Party hadana waxa uu u weecday xisbiga Green laakin ugu dambayn waxa uu go’aansaday inuu tartami doono isaga oo madax bannaan.

Cornel West

Makula tahay in la gaaray xilligii dadka Mareykanku dooran lahaayeen qof aan ka socon labada xisbi ee ugu wayn dalkaas?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here