Thursday, September 26, 2024

Mareykanka oo $ 424 Milyan ku taageeraya wax ka qabashada xaaladda Suudaan

Washington (Dawan)- Mareykanka ayaa ku dhawaaqay ku dhawaad ​​424 milyan oo doolar oo gargaar bini’aadanimo oo dheeri ah si loogu taageero dadka dhibaatadu kasoo gaartay colaadda Suudaan iyo dalalka deriska ah ee martigeliya qaxootiga kasoo cararay dalkaas.

Deeqdaan lacageed ayaa isagu jirta in ka badan $276 milyan oo ka timid USAID iyo in ka badan $147 milyan oo ay bixineyso wasaaradda Arrimaha Dibadda, sida ay sheegtay safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield, intii lagu guda jiray kulan diiradda lagu saarayay xaaladda Suudaan oo dhinac socday kalfadhiga 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

$175 milyan waxaa loo adeegsan doonta iibinta iyo rarista ku dhawaad ​​81,000 oo ton oo cunto ah si loogu caawiyo in ka badan 1.2 milyan oo qof oo ay soo food saartay cunto yari ba’an .

Lacagta uu Mareykanku bixiyay ayaa sidoo kale lagu taageeri doona hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa aan dowliga ahayn si ay bixiyaan adeegyo isagu jira cuntada, caafimaadka, nafaqeynta, iyo badbaadinta dadka ay saameeyeysay colaadda ka socota Suudaan.

Maraykanku waxa uu Suudaan iyo dalalka deriska ah ku bixiyay in ka badan $2 bilyan oo gargaar bini’aadantinimo tan iyo Abriil 2023.

Masiibooyinka dabiiciga ah waxaa ula jira Suudaan dagaal sokeeye oo soo billawday bishii April ee sannadkii 2023, waxaana ku dhintay in ka badan 20,000 oo qof iyada oo ku dhawaad ​​10 milyan ay ku barakaceen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Baaqyada Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ayaa sii kordhaya, iyada oo laga casbi qabo in dalkaas uu galo masiibo bini’aadantinimo kadib markii dagaalku ku fiday 13 gobol oo ka mid ah Suudaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here