Sunday, September 8, 2024

Mareykanka oo 5 saldhig u dhisaya ciidamada Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Mareykanka ayaa qorsheynaysa in ay dhsito ilaa shan saldhig oo cusub oo loogu talagalay ciidamada Soomaaliya, iyada oo lagu doonayo in lagu xoojiyo tayada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, si looga hortago weerarada iyo falalka kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta Dowladda.

Shanta saldhig ayaa laga dhisi doonaa Magaalooyinka Baydhabo, Dhuusomareeb, Jowhar, Kismaayo, iyo Muqdisho.

Heshiis arrintaan ku saabsan ayay Dowladda Mareykanka iyo Soomaaliya ku kala saxiixdeen 15-ka bishaan February 2024 Magaalada Muqdisho, iyada oo ay goob joog ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Molly Phee.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa bartiisa Facebook ku qoray ” Heshiiskaan wuxuu kordhin doona awooddeena Ciidan ee La-dagaallanka Argagixisada”.

Heshiiskaan ayaa imaanaya iyadoo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya uu dhimay ciidamada ka jooga Soomaaliya iyada oo qorshuhu yahay in kawada baxaan dalka dhammaadka sannadka 2024-ka

Saldhigyadaan cusub waxaa adeegsan doona Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab kuwaas oo la aas-aasay sannadkii 2017 ka dib markii Mareykanka iyo Soomaaliya ay isku afgarteen tababarka iyo qalabeynta ciidaan gaaraya 3,000.

Ciidamada Danab ayaa udub dhexaad u ahaa tan iyo markii la dhisay ka hortagga iyo la dagaalanka Kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay heshiiska, isaga oo tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay la dagaalanka Al-Shabaab iyo xasilinta amniga guud ee dalka.

“Heshiiskan waxa uu ka gacansiinaya Dowladda Soomaaliya qorsheyaasha dib u habaynta iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab iyo xaqiijinta amniga” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii December 2023 u codeeyay in Soomaaliya laga qaado xayiraaddii iyo cunaqabateyntii hubka ee saarneed muddo ka badan 30 sano.

Tallaabada uu Mareykanku ku dhisayo xarumahaan ciidamda ayaa kusoo beegsameysa Isbuuc kadib markii Dowladaha Soomaaliya iyo Turkigu wada saxiixdeen heshiis guud oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa weli weerarro goos-goos ah ka geysanaya guud ahaan Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jiraan xarumaha Dowladda oo ay ku jiraan saldhigyada ciidamada

Weerarkii ugu dambeeyay ee Kooxda Al-Shabaab ay sheegatay waxaa uu ka dhax dhacay xerada Jeneraal Gordon ee Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay saraakiil u dhashay Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Baxareyn.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here