Friday, October 18, 2024

Mareykanka oo cadaadis ku saaraya Itoobiya in la hirgeliyo heshiiskii Pretoria

Addis Ababa (Dawan)- Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Mike Hammer uu u safri doono dalka Itoobiya, isaga oo sidoo kale booqasho qaadan doonta ilaa 19-ka May ku tagi doona qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika.

Hammer wuxuu la kulmi doonaa mas’uuliyiin ka mid ah Midowga Afrika, dowladda Itoobiya, iyo maamulka ku meel gaarka ah ee Tigray, si loo dardargeliyo hirgelinta heshiiskii Pretoria ee joojinta colaadaha iyo in khilaafka hadda taagan lagu xalliyo wada hadal siyaasadeed si looga fogaado soo noqoshada dagaal cusub.

Mareykanku waxa uu sheegay in dowladda Itoobiya iyo mas’uuliyiinta Tigrayga ay ku qasban yihiin inay fuliyaan ballanqaadkooda la xiriira heshiiskii Pretoria.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in Hammer uu dadaal ku bixi doono in wada hadal lagu dhameeyo rabshadaha ka socda gobollada Amxaarada iyo Oromiya ee Itoobiya iyo in la baaro warbixinnada ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacay deegaannadaas.

Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, waxaa uu cagta soo mari doona wadamada Kenya iyo Jabuuti, inta uu booqashadiisa ku jiro, isaga oo madaxda dalalkan kala hadli doona caqabadaha ka jira gobolka iyo sida looga hortagi karo in ay sii baahaan.

Waxaa xusid mudan in Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer in uu boqasho nuucaan ah ku yimid Geeska Afrika laba jeer sannadkii 2023-kii isaga oo kulamo looga hadlaayay inta badan xasiloonada gobalka la yeeshay madaxdii uu la kulmay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here