Thursday, September 19, 2024

Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Daacish

Boosaaso (Dawan)- Taliska Mareykanka ee Afrika oo kaashanaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa duqeyn cirka ah la beegsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish oo ku sugnaa deegaanka Dhaardaar oo qiyaastii 81 KM koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso.

Duqeynta oo dhacday 31-kii May, 2024, waxaa lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsan Daacish, mana jiro wax khasaaro ah oo soo gaaray dadka rayidka, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Taliska Mareykanka ee Afrika .

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay ka hortagga waxyeellada rayidka ah, taas oo ka mid ah howlaha ay u joogaan Afrika si wax looga qabto amniga iyo xasiloniida.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here