Monday, September 16, 2024

Mareykanka oo Itoobiya ka billaabay mashruuc lagula dagaalayo qaaxada

Addis Ababa (Dawan)- Hay’adda Mareykanka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ee USAID ayaa Itoobiya ka billawday mashruuc lagula dagaalayo cudurka qaaxada kaas oo ay dhibaato ku qabaan dad u badan oo u dhashay dalkaas.

Mashruuca ayaa socon doona muddo shan sano, iyada oo ay ku baxayso lacag dhan 8 malyan oo dollar, waxaana laga hirgelin doona deegaano gaar ah oo hore loosoo sahmiyay.

Deeganadan oo intooda badan tuulooyin iyo goobo baadiyaha ah, waxa ay hoos tagaan magaalooyinka kala ah Addis Ababa, Diridhaba, Shaggar oo ka tirsan gobolka Oromia iyo Harar.

Ujeedka mashruucan ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanku ka taageereyso Itoobiya ka mira dhalinta qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu soo afjarayo cudurka qaaxada sannadka 2030-ka.

USAID waxa ay sheegtay in mashruucu uu xooga saari doono saddex xeeladood oo muhiim ah. Marka hore, waxaa laga shaqayn doona in la ogaado kiisaska dadka qaba cudurka iyo sidii ay ugu adkaysan lahaayen qaadashada dawooyinka.

Marka xiga, waxaa mudnaan la siin doona hannaanka daryeelka caafimaadka dadka. Marka ugu dambaysana waxaa la sahmin doona habab cusub oo wax tar leh kuwaas oo lagula dagaallamo cudurka.

Mashruucan ayaa hiigsanaya in la daweeyo guud ahaan dadka qaba cudurka iyo in laga hortago inuu ku dhaco dad cusub, iyada oo deegaanada baadiyaha ah laga yagleelayo nidaam wax tar leh oo wax looga qabanayo cudurka qaaxada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here