Sunday, September 8, 2024

Mareykanka oo Itoobiya ugu deeqaya in ka badan $ 80 milyan oo gargaar ah

Addis Ababa (Dawan)- Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) ayaa ku dhawaaqday inay ugu deeqi doonto Itoobiya in ka badan 80 milyan oo doolar oo gargaar bini’aadanimo ah , si looga caawiyo dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka ka jira dalkaas.


Hadalkaan waxaa sheegay Sonali Korde oo ah kaaliyaha maamulka USAID ee dhinaca gargaarka bini’aadantinimo iyo Ervin Jose Massinga oo ah safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Itoobiya, ka dib booqashadii ay Sonali ku tagtay Gobolada Canfar iyo Tigray.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, in ka badan 21 milyan oo qof oo Itoobiyaan ah ayaa lagu qiyaasay inay u baahan yihiin gargaar bini’aadannimo kadib colaadihi iyo abaarihi xoogana ee ka dhacay dalkaas.

Sonali waxa ay sheegtay in tan iyo markii USAID ay dib u billaawday kaalmada cunnada dhamaadkii sannadkii hore, in Mareykanka iyo saaxibadiisu ay cunto u qeybiyeen 2.4 milyan oo qof bishii January oo kaliya.

Sonali waxa ay qiratay in haddii ay xaaladdu ka sii darto ama cuntada gargaarka ah ay gaari weydo halka loogu baahan yahay, in ay arrimuhu ka sii dari karaan, mar walbana ay jirto cabsida laga qabo xaalad macaluul ah.

Sonali waxa ay intaas ku dartay in USAID ay qorsheyneyso inay wax ka qabato nafaqa darrada soo wajahday in ka badan 1.5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano iyo caawinta in ka badan 600,000 oo ah hooyooyinka uurka leh iyo kuwa ku jira naas nuujinta.

USAID ayaa dib u bilaawday kaalmadii cuntada ee Itoobiya bishii November ee la soo dhaafay ka dib dib-u-habayn ballaaran oo ay iska kaashadeen dowladda Itoobiya iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka.

Hay’addu waxay horay u hakisay dhammaan cunnada gargaarka muddo lix bilood ah, iyada oo ku eedeysay dowladda Itoobiya in ay hor istaagtay gargaarkii loogu tala galay bulshada nugul ee ku nool gobolka Tigray.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here