Muqdisho (Dawan)- Mareykanka oo ah dowladda ku leh deynta ugu badan Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay inuu cafiyay lacag dhan $1.14 billion, taas oo qayb ka ah hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya ee soo socday sanadihii lasoo dhaafay.
Go’aankaan waxaa lagu shaaciyay munaasabad maanta lagu qabtay Muqdisho oo ay labada dwoladood ku kala saxiixdeen heshiiska dayn cafinta, waxaana heshiiska qalinka ku duugay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley.
Saxiixa heshiiska kaddib, waxaa Warbaahinta si wadajir ah ula hadlay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Safiirka Dowaldda Mareykanka ee Soomaaliya,iyagoo sheegay in heshiiskaan uu yahay mid taariikhi ah, oo Soomaaliya fursad muhiim ah siinaya.
“Maanta waa maalin rajo bilow cusub iyo fursad u ah Soomaaliya iyo Mareykanka. Hannaanka cafinta daymaha ayaa muujiyay sida buuxda ee ay uga go’an tahay dowladda Mareykanka iyo dadkeeda inay nagu taageeraan hammigeenna ku aaddan wax ka beddelka mustaqbalka dhaqaale ee Soomaaliya” sidaas waxaa munaasabadda ka sheegay wasiir Biiixi.
Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka iyo Shacabka Mareykanka taageerada muhiimka ah ee ay siiyaan Soomaaliya ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda dalka.
Dhankiisa, Danjire Rilley ayaa bogaadiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dib u habeynta dhaqaalaha, iyada oo dejisay sharciyo cusub, lana xoojiyey isla xisaabtanka maaliyadda, taas horseeday in la gaaro barta dhameystirka deyn cafinta.
Safiirka ayaa yiri; “Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Maraykanku soo gabagabeeyey tillaabooyinka looga cafinayo Soomaaliya deyn dhan $1.14 bilyan”
Waxa uu intaas ku dary in tillaaabadan ay tahay mid dan u ah shacabka Soomaaliyeed, iyada oo dowladda Mareykanku ay taageero badan la garab taagneed Soomaaliya sanadihi lasoo dhaafay, iyada oo laga amba qaadayo mabda’a ah in barwaaqda iyo amniga labada dal ay isku xiranyihiin.
Safiirku waxa uu ballan qaaday inay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan si loo gaaro barwaaqo waarta.
Dowladaha ku bahoobay Naadiga Paris ayaa Soomaaliya ka cafiyay bishii March ee lasoo dhaafay deyn dhan 1.2 bilyan oo dollar , iyadoo la raacayo hannaanka hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka si loo dhimo culayska deynta ee saaran dalka Soomaaliya.