Sunday, September 8, 2024

Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay shirkad u qababilsan Hormuud ganacsiga dibadda

Washington (Dawan)- Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogay Shirkadda Hormuud u qaabilsan ganacsiyadda dibadda ee lagu magacaabo Haleel Group.

Shirkadda Haleel Group waxaa lagu eedeeyay maalgelinta kooxda Al-Shabaab iyo ka ganacsiga lacag dhaqid.

“Haleel Commodities L.L.C. oo fadhigeedu yahay Dubai, sidoo kalena loo yaqaan Haleel Group, waa fududeeyaha dhaqaalaha ee Al-Shabaab, sidoo kale laamaheeda iyo faracyadeeda Soomaaliya, Kenya, Uganda, iyo Qubrus waxey ku lug leeyihiin lacag dhaqid” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Waaxda Maaliyadda Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa ku sheegtay bayaan ay soo saartay in ay cunaqabatayn kusoo rogtay 16 hay’adood iyo shakhsiyaad ka kooban shabakado ganacsi oo ku yaal Geeska Afrika, Imaaraadka Carabta iyo Qubrus kuwaas oo u uruuriya dhaqaalo kooxaha argagixisada ah oo ay ku jirto kooxda Al-Shababa oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Sida lagu sheegay bayaanka, Shakhsiyaadka shabakadaan ku jira waxaa ka mid ah ganacsato saamaynta ku leh gobolka kuwaas oo taageero dhaqaale siiya Al-Shabaab, oo ah koox argagixiso ah oo mas’uul ka ah qaar ka mid ah weerarradii argagixiso ee ugu xumaa taariikhda casriga ah ee Bariga Afrika.

“Mareykanka waxaa ka go’an in uu la shaqeeyo saaxiibada gobolka si loo ciribtiro shabakadaha maalgeliya argagixisada iyo hay’adaha ay uga faa’iideystaan uruurinta iyo kala wareejinta lacagaha” ayuu yiri ku xigeenka Xoghayaha Waaxda Maaliyadda Mareykanka ee arrimaha Argagaxisada iyo Sirdoonka Maaliyadda Brian E. Nelson.

Brian E. Nelson. ayaa intaas raaciyay in tillaabadaan ay qayb ka tahay dadaallo dhinacyo badan leh oo ay waddo Waaxda Maaliyadda Mareykanka si ay u taageerto dagaalka ay Soomaaliya ugu jirto in ay wiiqdo awoodda dhaqaale ee Al-Shabaab.

Qemat Al Najax General Trading oo fadhigeedu yahay Imaaraatka Carabta ayaa Mareykanku sidoo kale ku eedeeyay in ay ka shaqeyso lacag dhaqid iyo in ay gacan ka geysatay maareynta iyo wareejinta lacagaha Al-Shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here