Sunday, September 8, 2024

Markab ganacsi oo lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Ku dhawaad 20 qof oo hubeysan ayaa la wareegay gacan ku heynta markab xamuul ah oo marayay xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegtay shirkad qaabilsan dhanka ammaanka badaha oo laga leeyahay dalka Ingriiska.

Markabkan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee la beegsado, kaddib markii ay soo laba kacleeyeen weerarrada ay geysanayaan burcad-badeedda bilihii lasoo dhaafay, inkastoo shirkadda ammaanka badda ee Ambrey aysan sheegin inay burcad-badeedda Soomaalida ahaayeen kuwii markabka la wareegay.

Shirkadda Ambrey ayaa caddeeysay in markabku uu ahaa nooca xamuulka qaada oo sitay calanka Bangladesh, waana nooc ka mid ah maraakiibta ganacsi ee lagu daabulo shixnado aad u badan, kaas oo ka yimid Mozambique kuna sii jeeday Imaaraadka Carabta.

Afduubka markabka ayaa ka dhacay shalay (Talaado) meel 600 nautical miles bari ka xigta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo kale, Hay’adda Hawlgalka Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska, ayaa xaqiijisay in markabka la afduubtay, iyadoo tirada dadka hubaysan ee markabka la wareegay ay ku sheegtay 22 qof.

Shirkadda Ambrey ayaa sheegtay inay jiraan warar is khilaafaya oo ku saabsan halka ay ku sugan yihiin shaqaalihii la socday markabka.

Budhcad-badeedda Soomaalida ayaa qalalaase ka geystay marin-biyoodka caalamiga ah ee muhiimka ah sannadihii 2008 ilaa 2018, inksta oo markii dambe ay yaraadeen howlgalladii ay sameyn jreen

Xogta laga helayo Xarunta Amniga Badaha Geeska Afrika, oo ah xarunta qorsheynta iyo isku xirka howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad-badeedda ayaa muujineysa in tan iyo bishii November ay dhaceen in ka badan 20 afduub ama isku day afduub oo lagula kacay maraakiib maraysay gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here