Monday, September 16, 2024

Masar iyo Eritrea oo kawada hadlay xaaladda Geeska Afrika

Qaahira (Dawan)- Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-siisi ayaa madaxtooyada dalkaas ku qaabilya Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cisman Saalax, oo boqasho shaqa ku tegay magaalada Qaahira.

Afhayeenka Madaxtooyada Masar ayaa warbaahinta u sheegay in Wasiirku ku wareejiyay madaxweyne Al-siisi dhambaal uu ka siday Madaxweyne Isaias Afwerki.

Inta lagu guda jiray kulanka waxaa la isla soo qaaday xaaladda gobolka, gaar ahaan xiisadaha iyo khataraha soo wajahay waayihii ugu dambeeyay Geeska Afrika iyo Badda Cas, waxeyna labada dal xaqiijiyeen inay sii wadi doonaan wadashaqaynta iyo wada-tashida joogtada ah, si looga mira dhaliyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa bogaadiyay kaalinta Masar ay qaadato degganaanshaha gobolka, isaga oo rajo ka muujiyay in kor loosii qaado xiriirka labada dal, si looga gudbo caqabadaha ku hor gudban horumarka labada shacab iyo xasiloonida gobolka.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa, Badr Cabdicaadi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Cabbaas Kaamil, Madaxa Sirdoonka Masar iyo Safiirka Eritrea u fadhiya Qaahira.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here