Sunday, November 24, 2024

Masar iyo Itoobiya oo kawada hadlay weeraradii ugu dambeeyay ee AS

Addis Ababa (Dawan)- Safiirka Masar u fadhiya Addis Ababa, Danjire Maxamed Jaad, ayaa Talaadadii la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie, sida ay sheegtay warbaahinta labada dal.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in labada dhinac ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo khuseeya labada dal, gobolka iyo danaha guud, sida ay baahisay Idaacadda Fana ee Itoobiya.

Labada dhinac ayaa kulankooda diiradda ku saaray halista weeraradii ugu dambeeyay ee Ururka Al-shabaaab ka gaystay gudaha Soomaaliya, iyaga oo ku tilmaamay tillaabo walaac ku ah amniga guud iyo xasiloonida Geeska Afrika.

Wasiirka iyo safiirka ayaa sidoo kale isla soo qaaday xaaladda Suudaan iyo sida lagu joojin karo dagaalka daba dheeraatay ee ka socda dalkaas tan iyo bishii April ee 2023, si kaalmo loo gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan gudaha Suudaan iyo xeryaha qaxootiga.

Kulankan ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Cabdicaadi uu ku celiyay mowqifka adag ee dalkiisu ka taagan yahay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la ilaaliyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo si cad u sheegay in Masar ay diiddan tahay is-afgaradkii dhanka badda ahaa ee horaantii sanadkan dhex maray Itoobiya iyo Somaliland

Wasiirka ayaa yiri: “Masar waxay si adag u diiddan tahay isku day kasta oo lagu waxyeeleynayo midnimada iyo amniga gayiga Soomaaliyeed, waxaana mar kale ku celineynaa muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis ay Itoobiya ku gaareyso badda, Somaliland-na ku heleyso aqoonsi iyo saami shikradda diraadaha Ethiopian Airlines 1-dii bishii January 2024.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hortimid heshiiskaas, waxa uuna dhaliyay xiisad diblomaaasiyeed oo labada dal ka dhex qaraxday, taas oo gaartay in safaaradaha la kala qaato.

Dowladda Turkiga ayaa martigelisay horaantii bishii July wadaxaajood u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya si xal looga gaaro xiisadda ka dhex aloolsan labada dal ee deriska ah. Inkasta oo wax natiijo ah laga gaari waayay wejiga koowaad ee wadahadallada, hadana waxaa lagu ballamay in dib la isago soo laabto markale bisha September, si loosii amba qaado wadahadallada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here