Friday, September 20, 2024

Masar iyo Turkiga oo mar kale taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Istanbul (Dawan)- Dalalka Turkiga iyo Masar ayaa mar kale ku celiyay mowqifkooda ku aadan dhowrista midnimada dhuleed iyo madax-banaanida Soomaaliya, iyada oo la eegayo xiisadda ka dhex aloosan labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya ka dib markii Addis Ababa ay 1-dii January 2024-kii heshiis dhanka badda ah la gashay Somaliland oo ay Soomaaliya u aqoonsantahay qeyb ka mid ah dhulkeeda.

Arrintan ayaa timid kadib shir jaraa’id oo ay magaalada Istanbul ku qabteen wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan iyo dhiggiisa Masar, Saamix Shukri

Sida ay sheegtay wakaalada Anadolu, Hakan Fidan ayaa yiri, “Waxaan xaqiijinay sida ay nooga go’an tahay midnimada dhuleed iyo madax-banaanida Soomaaliya. Anaga, Turkiga iyo Masar ahaan, waxaan isweydaarsannay aragtida ku saabsan tillaabooyinka la qaadi karo ka hor inta uusan muranka siyaasadeed ee hadda jira isu beddelin khilaaf dhab ah oo xoogan”.

Dhankiisa Axmed Abu Zeyd oo ah afhayeenka rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa xaqiijiyay in kulanka looga hadlay arrimaha saameynta ku leh Geeska Afrika iyo Soomaaliya.

Xogaha laga helay is-afgaradka heshiiska ayaa tilmaamaya in Itoobiya ay heli doonta Deked ay baadi goob ugu jirtay muddo dheer kuna sigatay in ay dagaal u gasho iyo saldhig ciidankeeda Baddu ay isticmaalaan halka Somaliland ay heleyso aqoonsi ay uga baxeyso go’doomin ay ku jirtay in ka badan soddon sano iyada oo laga yaabo in ay saami ka hesho Shirkadda Ethiopian Airlines oo ah diyaaradda ugu weyn Afrika.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here