Tuesday, October 22, 2024

Masar: Mas’uuliyad ayaa naga saaran ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Qaahira (Dawan)- Badr Cabdicaadi, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Masar, ayaa sheegay in dalkiisa ay mas’uuliyadi ka saarantahay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa inay awood u yeelato ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhamaan dhulkeeda, iyada oo la raacayo nidaamka caalamiga.

Sidaas waxa uu ku sheegay wareysi uu siiyay, Qaahira News Channel.

“Masar mas’uuliyad ayaa ka saaran in rabitaanka Soomaaliya lagu soo dabbaalo dhammaan madax-bannaanida dhulkeeda, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah”

Wasiirka ayaa tilmaamay in Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika uu soo dhoweeyay ka qeybgalka Masar ee howlgalka cusub ee loo dirayo Soomaaliya si uu u bedelo howlgalka hadda jooga, isaga oo Itoobiya ku eedeyay inay ka been sheegtay hannaanka ay Masar u mareyso kusoo biiritaankeeda ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

“War-murtiyeedka labada dhinac ka soo baxay kulankii Madaxweynaha Masar iyo dhiggiisa Soomaaliya ee magaalada Asmara ayaa jawaab cad ka bixiyay mid ka mid ah dhinacyada (Itoobiya) oo ku andacoonaya in aysan jirin soo dhoweyn iyo codsi uga yimid Masar dowladda sharciga ah (Soomaaliya) oo ku saabsan ka qayb qaadashada howlgalka cusub ee nabad ilaalinta”

Waxa uu raaciyay hadalkiisa ” War-murtiyeedka labada dhinac ayaa looga hadlay rabitaanka dowladda Soomaaliya ee joogitaanka Masar iyo ka qeyb qaadashada ciidamada qalabka sida ee Masar howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika”

Cabdicaadi waxa uu sheegay in joogitaanka Masar uu qayb ka ahaan doono hawlgalka Africa. Ka hor inta aanu hawlgalku bilaabin hawlihiisa, waxa uu yeelan doona shaqo cad oo uu ansixiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Itoobiya ayaa dhowr jeer ku eedeysay Masar inay doonayso inay qalqal ka abuurto gobolka iyada oo ciidamo iyo hub usoo daabuleysa Soomaaliya, waxayna si cad u sheegtay in laga fiirsado qorshaha ay Masar ku dooneyso inay uga mid noqoto howlgalka nabad ilaalinta ee Africa.

Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay inay xaq u leedahay ogolaanshaha iyo diidamada dowladaha kusoo biiraya howlgalka cusub, iyada oo loo marayo hannaan sharci ah oo beesha caalamku la socoto.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here