Wednesday, September 25, 2024

Masar oo boqolaal gantaal kasoo iibsanaysa Mareykanka

Qaahira (Dawan)- Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa shaacisay in wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ay ansixisay heshiis boqollaal gantaal looga iibinayo dalka Masar, iyada oo qiimaha gantaalahaas lagu sheegay 740 milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Pentagon-ka ayaa cadddeeyay in la ogolaaday in Masar laga iibiyo gantaallada loo yaqaano Stinger, oo gaaraya 720 gantaal, iyada oo dhameystiraya heshiiskan ay fududey doonto shirkadda Mareykanka ee “RTX”.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in Masar ay gantaalladan ku rakibi doonto gawaari lagu xiray qalab casri ah, taas oo meesha ka saareysa in garbaha laga rido.

Wakaalladda Wararka Faransiiska ayaa sidoo kale tilmaamtay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ay ku wargalisay Congress-ka inay ansixiyaan heshiiska Gantaalada. Afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa ku tilmaamay heshiiska inuu ka qayb qaadan doono ammaanka dal ay saaxiib yihiin oo muhiim u ah xasilloonida siyaasadeed iyo kobaca dhaqaalaha ee Bariga Dhexe.

Congress-ku wuu xannibi karaa heshiiska laakin loogama baranin inuu ka horyimaado heshiisyada nuucaan oo kale ah oo lala galay dal uu Mareykanku u arko saaxib dhow.

Horay waxaa gantaaladdan usoo dalbaday waddamo badan oo xubin ka ah NATO, taas oo muujineysa muhiimadda ay leeyihiin.

Dhawaan  Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Joe Biden uu ku wargeliyay Congress-ka in Masar la siin doono gargaar milateri oo ku kacaya 1.3 bilyan oo doolar, waana markii ugu horreysay tan iyo 2020 ee Masar ay si buuxda u hesho gargaar qiimihiisu dhanyahay intaan, sida ay sheegtay Reuters.

Dhaqdhaqaayadaan hub aruursi ayaa kusoo aaday, iyada oo Masar ay isku diyaarineyso inay ciidamo usoo dirto Soomaaliya taas oo ka careysiisay Itoobiya oo u aragta Qaahira cadaw kusoo dhawaaday xudduudeeda.

Masar waxay xaqiijisay inay gaarsiisay Muqdisho hub iyo saanad ciidan oo kala duwan taas oo lagu tilmaamay tii ugu ballaarneyd tan iyo markii Soomaaliya laga qaaday cunaqabatayntii hubka bishii December 2023.

Tillaabadan waxaa walaac ka muujiyay Taye Atske-Selassie oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, isagoo tilmaamay inay tahay arrin uga sii dari doonta amaanka aan cagaha adag ku taagnayn ee gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here