Friday, September 20, 2024

Masar oo furtay safaaradeeda Muqdisho iyo Xasan Sheekh oo gaaray Qaahira

Qaahira (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah maanta loo furay safaaraddeeda magaalada  Muqdisho si kor loogu qaado iskaashiga dhammaan dhinacyada kala duwan ee ka dhaxeeya labada dal sida ganacsiga iyo dhaqaalaha

“Iyada oo laga amba qaadayo siyaasada hoggaanka Masar ee ku saabsan  xoojinta iskaashiga iyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Masar iyo Soomaaliya, waxaa maanta oo Talaado ah kuna beegan , August 13, 2024, si rasmi ah loo  furay xarunta cusub ee Safaaradda Masar ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri; war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in tillaabadan la qaaday kadib markii ay shirkadda diyaaradaha ee Masar ay dhawaan biloowday duulimaadyadeeda Soomaaliya, taas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo isku xirka iyo iskaashiga labada dal.

Booqashada Xasan ee Qaahira

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar, iyada oo la filayo in labada dal ay kala saxiixdeen berri heshiis iskaashi dhanka difaaca ah, iyada oo wasiirradda gaashaandhigga labada dhinac ay qalinka ku duugi doonaan, Xasan Sheekh iyo Al-siisiina ay xaadir ka ahaan doonaan. 

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa heshiiskaan meel mariyay balse nuxurka heshiiskan lalama wadaagin warbaahinta.

“Booqashadan ayaa muujinaysa muhiimadda uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siinayo horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar, iyo in labada dal ay guda galaan fulinta iskaashiga dhanka amniga iyo difaaca, si loo wajaho khataraha argagixisada iyo duruufaha gobolka” ayaa lagu yiri; qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Cadowga cadowgeyga waa saaxiibkeey

Booqashada Madaxweyne Xasan ayaa ku soo aaday iyada oo wareegii labaad ee wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ay kusoo dhamaadeen natiijo la’aan, laguna ballamy in la isagu soo laabto wareeg seddexaad iyo 17 bisha September.

Ethiopia iyo Masar waxaa ka dhaxeeya khilaaf soo jireen ah oo salka ku haya dhismaha biya xireenka Al-Nahada oo hoos u dhigaya qulqulka webiga Niil oo beeraleeyda Masar ku tiirsan yihiin. Ethiopia ayaa dhanka kale Somaliland la gashay heshiis is afgarad u oggolaanaya inay gaaraan badda, taas oo Soomaaliya ka careysiisay, iskuna soo dhoweysay Soomaalida iyo Masaarida oo ka duulaya mabda’a ah “Cadowga cadowgeyga waa saaxiibkeey”.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here