Saturday, September 7, 2024

Masar oo kusoo biirtay dalalka loo dhoofiyo xoolaha nool ee Soomaaliya

Qaahira (Dawan)- Dowladda Masar ayaa ku dhawaaqday in dalkeeda uu soo gaaray markabkii ugu horeyay ee ka yimaada Soomaaliya kaas oo ay saaranyihiin 1,500 oo neef kuwaas oo la doonayo in qaab ganacsi ah loogu iibiyo suuqyada hilibka ee dalkaas.

Mas’uuliyiinta Masar ayaa tillaabadaan ku tilmaamay mid kor u qaadeysa iskaashiga ganacsi ee labada dal iyo qorshaha ay xukuumadda Masar ku dooneyso inay ku yareyso dhibaatada ka haysata dhanka sicirka hilibka iyo xoolaha nool.

Waxaa sidoo kale socda diyaarinta 5,000 oo neef oo la doonayo in dhawaan loo raro dalka Masar, iyada oo la geyn doono gobollada dalkaas ee ay jirto hilib yarida xoolaha si ay dadku uga iibsadaan qiima macquul ah.

Dadka Masar ayaa dhibaato badan ku qaba heliida hilibka xoolaha, waxaana cabasho badan ka jirtay waayadii ugu dambeeyay qiimaha lagu iibiyo hilibka taas oo dhibaatu ku noqotay inta badan dadka ku nool dabaqadda hoose iyo midda dhexe.

Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-siisi ayaa hore u bixiyay amar ahaa in kor loo qaado is-dhaafsiga ganacsiga Soomaaliya iyo dalkiisa, wuxuuna tilmaamay muhiimadda xiriirka qotoda dheer ee taariikhiga ee isku xira labada dal.

Madaxa Ururka Ganacsatada Xoolaha ee Masar, Axmed Xasan ayaa tilmaamay in qorshahani aanu ahayn mid lagu taageerayo dhaqaalaha dalka Masar oo kaliya, balse uu yahay mid lagu kobcinayo iskaashiga dhaqaale ee dalalka Afrika, isaga oo intaas ku daray inuu aaminsanyahay in xoojinta iskaashiga Afrika ay tahay tallaabo istiraatijiyad oo lagu gaari karo horumar waara iyo barwaaqo dhaqaale oo dan u wada ah qaaradda.

Inta badan dowladaha Khaliijka ayaa loo dhoofin jiray xoolaha nool ee Soomaalida, balse dalka Masar ayaa noqon doona suuq ballaaran oo ay ka faa’iideystaan ganacasatada xoolaha maadaama ay Masar tahay dal ay ku nool yihiin dad kor u dhaafaya 100 malyan.

Dowladda Soomaaliya wax war ah oo arrintan ku saabsan kama soo bixin, inkasta oo dhawaan ay labada madaxweyne kawada hadleen xaaladda gobolka Geeska Afrika iyo xasiloonidiisa.

Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Al-siiis ayaa diiday tillaabo kasta oo haldhinac ah taas oo wax u dhimi karta xasiloonida gobolka, sida uu sheegay Af-hayeenka Madaxtooyada Masar, Axmed Fahmi.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here