Monday, September 16, 2024

Masar oo qorsheyneysa in ay Soomaaliya siiso deeq-waxbarasho oo fanka ah

Qaahira (Dawan)- Wasiirka Dhaqanka Masar, Dr. Nevin Al-Kilani, ayaa sheegtay in Akadeemiyada Fanka ee dalkaas ay qorsheynayso in ay deeq-waxbarasho siiso ardyada Soomaalida ee daneysa Fanka.

Dowladaha kale ee iyaguna ka faa’iideysan doona deeq-da waxbarashada ayaa kala ah Jabuuti, iyo Comoros, sida ay sheegtay Dr. Nevin Al-Kilani.

Hadalkaan ayay Wasiiraddu ka sheegtay kulan ay la yeelatay Agaasimaha Guud ee Ururka Carabta ee Waxbarashada, Dhaqanka iyo Sayniska (ALECSO), Dr. Mohamed Ould Amar, xilli ay kawada hadlayeen u diyaar garowga shirka wasiirada dhaqanka ee dalalka Carabta kaas oo lagu qaban doono Boqortooyada Morocco iyo qaban qaabada shirkii ugu horeeyay ee hoggaamiyeyaasha haweenka Carabta,.

Wasiirka Dhaqanka Masar, Dr. Nevin Al-Kilani, ayaa sidoo kale tilmaamtay in ay taageero u fidiyeen maktabadda guud ee Jabuuti iyadoo loogu deeqay tiro badan oo ka mid ah buugaagtii ugu dambeysay ee lagu daabacay Masar, waxeyna hoosta ka xariiqday in ay si buuxda ugu diyaar garoobeen inay taageero la mid ah siiyaan maktabadaha qaranka ee Soomaaliya iyo Comoros.

Dr. Mohamed Ould Amar, ayaa ku bogaadiyay dowladda Masar kaalinta muhiimka ah ee ka ciyaarto taageerada iyo hormarinta arrimaha la xiriira dhaqanka, wuxuuna ku adkeeyay in ay sii laba jibbaarto dadaalkeeda si ay uga faa’iideystaan dowlado badan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here