Thursday, September 19, 2024

Masar… Shil tareen oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Qaahira (Dawan)- Ugu yaraan seddex qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen shil tareen oo ka dhacay dalka Masar.

Shilkan ayaa yimid kadib marki ay isku dhaceen laba tareen Sabtidi kuwaas oo marayay magaalada Sagaasiiq ee goblka Sharqiyah.

Shilkan ayaa galaaftay nolosha seddex qof, waxaana ku dhaawacmay ilaa 49 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaaadka ee dalkaas.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in xaaladda caafimaad ee 44 qof ay tahay mid wanaagsan laakin ay jiraan 5 qof oo qaba dhaawacya culus.

Ilaa iyo hadda lama sheegin sababta keentay shilka tareenada.

Mid ka mid ah tareenada ayaa kusii jeeday Ismaaciiliyah, halka kan kale oo ka yimid Mansuurah oo kusoo jeeday magaalada Sagaasiiq ee shilku ka dhacay.

Warbaahinta Masar ayaa markii dambe sheegay in isu socodka tareenada uu caadi ku soo noqday ka dib markii la soo gabagabeeyay saamayntii ka dhalatay shilka.

Masar waxay sanado badan ka shaqaynaysay horumarinta iyo casriyaynta waddoyinka tareenka kadib markii ay ku bateen shilalka tareenada ee galaafta nolosha dad tira badan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here