Monday, September 23, 2024

Masar: waxaan kor u qaadeyna awoodda ciidan ee Soomaaliya

Qaahira (Dawan)- Dowladda Masar ayaa xaqiijisay inay Soomaaliya  gaarsiisay kaalmo military oo looga gol  leeyahay in lagu xoojiyo  awoodda ciidamada Soomaaliya

“ Iyada oo laga amba qaadayo taageerada Masar ee lagu xaqiijinayo xasiloonida Soomaaliya, la dagaalanka aragagixisada iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaa Muqdisho gaaray shixnad kaalmo military oo loogu tala galay in lagu xoojiyo awoodda ciidanka Soomaaliya”  Sidaas waxaa lagu yiri; war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in kaalmadan ay tahay mid lagu fulinayo heshiiskii iskaashiga difaaca ee ay wada galeen Soomaaliya iyo Masar iyo dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya awood u yeelato hanashada amnigeeda iyo xasiloonideeda.

Qirasahada Masar ee ah inay Soomaaliya hub gaysay waxay xaqiijineysa wararkii la isla dhexmarayay 24kii saac ee lasoo dhaafay sheegay ee ahaa in dekadda Muqdisho uu kusoo xirtay Markab dagaal kaas oo siday hub iyo saanad ciidan oo kala duwan.

Wasiirka difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ah mas’uulka kaliya ee arrintaan hubka faaallo ka bixiya ayaa sheegay in “Soomaaliya ay ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay” 

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here